Korodhka Miisaanka Carruurtu Waxa Uu Mustaqbalka Ku Keenaa Xanuuno Wadnaha Ku Dhaca Oo Dhif Ah

0
711

Stockholm (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Sweden ayaa lagu ogaaday in ragga xilligii kuraynimada uu miisaankoodu inta dabiiciga ah ka badnaa ay khatar u yihiin wadne xanuun noociisu uu dunida dhif ku yahay, oo sababa in wadnuhu uu shaqadiisa si habsami ah u gudan waayey, marka la barbardhigo ragga carruurnimadii miisaankoodu dabiiciga ahaa.

Cilmibaadhayaashu waxa ay baadhis iyo daraasayn dheer ku sameeyeen warbixinaha hal milyan iyo 6 boqol oo kun oo nin oo intii u dhexeysay 1969 kii illaa 2005 tii soo maray shaqada gurmadka qaranka dalka Sweden ee dhalinyarada lagu siiyo tababarrada milateriga, iyada oo la  eegayey dhererkooda, miisaankooda, qaab dhismeedka fiican ee jidhkooda.

27 kii sano ee ay daraasaddani socotay waxaa soo baxday natiijo ah in ragga carruurnimadoodii iyo da’dii koraynimada aad u buurnaa uu markan dambe ee ay koreen qiyaas boqolkiiba 50 ka mid ah uu ku dhacay wadne xanuun sababay in wadnaha ay ku adkaatay in uu dhiigga si fiican u wada gaadhsiiyo jidhka. Xaaladdan ayaa ay daraasaddu sheegtay in aanay ka badbaadin xitaa ragga da’yaraantoodii uu miisaankoodu in yar ka badnaa inta dabiiciga ah, kuwaas oo boqolkiiba 38 ka mid ah uu wadne xanuun ku dhacay markii ay weynaadeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here