Korniinka Dhererka Iyo Miisaanka Ee Carruurta Looga Baahan Yahay: Miisaanka Xilliga Dhalashada (1)

0
771

1Hargeysa (Geeska)- Hooyo kastaa waxa ay u heellan tahay in ilmaheedu uu gaadho heerka dabiiciga ah, caafimaad ahaanna ku habboon korniinka carruurta, sida miisaanka saxda iyo in dhererkiisu noqdo mid si sax ah u socda, sidoo kale waxa ay waxa a jeceshay in ilmaheedu uu carruurta kale ka maskax iyo firfircooni badnaado, kagana fiicnaado waxbarashada, laakiin haddana inta badan waxa ay mooggan tahay qiyaasta saxda ah ee ay tahay in ilmaha caafimaadka qabaa ku socdo miisaan ahaan iyo dherer ahaan labadaba. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo ururiyey barnaamij ka baxay talefishanka MBC iyo qormooyin kale oo caafimaad, waxa ay ka hadlaysaa heerar dhererka iyo miiisaanka dabiici ahaan saxda ku ah caafimaadka ilmaha.

Miisaanka saxda ku ah xilliga dhalmada:

Miisaanka ilmuhu marka uu dhasho noqonayaa waxa ay si aad ah ug uxidhan tahay nooca iyo xaddiga cunto ee ay hooyadu isticmaalaysay xilligii ay uurka lahayd, gaar ahaan saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, sidoo kale waxaa saamayn ku leh hiddaha, oo sida ay xeeldheerayaashu sheegayaan dhererka iyo miisaankuba waxa ay ka mid yihiin wax yaabaha la iska hidda-raaco. 

Haddii hooyada miisaankeedu aad u badan yahay, ama ay qabto macaan, ama xitaa macaanka uurka ay leedahay waxa ay u dhowdahay in ilmaha miisaankiisu uu waxoogaa ka weynaado inta dabiiciga ah, haddii ilmuhu uu dhasho isaga oo aan sidkiisa buuxsanin, sida in uu noqdo toddoba ku dhalay ama siddeed bilood uu ku dhasho, ama haddii aynu si kale u nidhaahno in uurku ka yaraado 37 toddobaad ayaa ka mid ah sababaha ilmaha ku keena in uu miisaankiisu inta dabiiciga ah ka hooseeyo.

Sidoo kale haddii ilmuhu uu ku raago uurka hooyada nooc uun caabuq ahi hooyada ku dheeraado xilliga uurka, ama marka ay carruurtu mataanaha yihiinna waxaa dhici karta in ilmuhu uu inta dabiiciga ah ka yaraado.