Kooxda Gaashaan Oo Ka Talaabsatay Asluubta, Una Gudubtay Wareegga Labaad

0
1389

Hargeisa (Geeska Sports) Waxa maalintii shalay kulan xiiso badani ku dhexmaray garoonka Hargeysa Stadium labada kooxood ee Gaashaan iyo kooxda Ciidnka Asluubta oo kawada tirsanaa groupka C. labadan kooxood ayaa wada ciyaarayey iyadoo koox kastaa ka baqaysay inay hadho maadaama oo Groupkani ahaa kii ugu adkaa ee Tartankan. Kooxda Gaashaan ayaa lahayd 4 dhibcood, halka kooxda Asluubtuna ka lahayd 4 dhibcood sidoo kale, balse waxaa natiijadooda badali kara kulanka maanta ee Goodir la ciyaari doonto kooxda W.Qorshaynta.

Haddaba ciyaartan oo ahayd mid aad u saraysay ayaa waxa ugu dambayntii kooxda Gaashaan guushu ku raacday 2-1. Dhamaan goolsha ayaanay kooxda Gaashaan heshay qaybtii hore ee ciyaarta iyadoo ay u kala saxeexeen xidigaha Ayaanle Good iyo ISaxaaq. Markii laysku soo noqday ayaana kooxda Asluubta u suurto gashay inay helaan goolka madiga ah iyadoo uu u dhaliyey c/raxmaan kaasoo rajo galiyey daqiiqadii 67-naad, balse kooxda Asluubta ayaanay u suurto galin inay dhaliso goolasha baraajaha waxaanay ciyaartu kusoo idlaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Gaashaan. Waxaanay sidaasi ugu gudubtay isreebreebka tartanka, kooxda Asluubta ayaa iyadna ka dhur sugi doonta kulanka maanta ee W.Qorshaynta iyo kooxda Goodir.