Maansada Gunaad: Abwaan Weedhsame

0
2266

Guubaabiyo maanso goola

Guul guul iyo hees garsheega

Saq-dhexe midho aan ka gooyey

Geedkii hal-abuur guddooma

Markaan raad-guray xaqiiqda

Runtana idhi golaha kaalay

Markaan xaajada gorfeeyey

Gaashaan u daruuray beenta

Bulshada gaaniyo cirroole

Markaan guray cabashadooda

Gunaad fooshaa dillaacay

Geedkii tuhunkaa qarqoormay

Guushii barashay u yeedhay

Giraantii hebel shan geesle

Afkuu dadku gacanta saaray

Heshiis lala galay dadweyne

Haddmaa laga guday ka yaabye.

Abaar geelii idlaaday

Geesleyna warkeed dhammaaday

Harraadna la geeriyooday

Dhulkana bari iyo galbeedba

Habaas gunbur leegi tuulmay

Waayeelkuna galangalcoobay

Dhallaan gosha lagu sidaana

Markuu gaajada la yeedho

Gaax baa maqan lagu sabaayo

Dadkoo roob doon guddoomay

Markuu guullaha ka tuugo

Inuu cirku godolka deexdo

Misana gafo uu hilmaamo

Rabboow gallad iyo mid khayrle

Hadduu miiraale guuni

Intuu candho-saabka gooyo

Gufaaciyo laydho keeno

Hadduu gaantey afuufo

Dhagxaan ganan soo darooro

Dadkana gabaddano ku dhaafo

Ruqaha sii wada galaafto

Raqdoo gigan kii ku toosay

Gabaabsiyo faraxu gaaggax

Markuu kaga soo af-goosto

Midhkuu gees maray yaqiinsay.

Malaha waa sida geddeenan

Indhoole dhirbaaxo gaadhay

Gabbaday ka gadaal ogaaday

Malaha waa sida geddeenan

Dalkii beri iyo galbeedba

Yaa sudhay gaaskiyo kabriidka

Yaa waday geedigan habaabay

Toloow gadhwadeenki meeye

Dalkaan isu gee u dhaarshay

Sawkani gobol gobol u qaybsan

Duqii gaadhiga kaxeeyey

Markii guuruhu bilaabmay

Dadkoo guradiisa saaran

Loollina guudkeed maraaya

Waa kii gam’ay ee lulooday

geerkiyo shookaan biriigga

waakii gacmahaba ka qaaday

markuu gebi dheer ka tuuray

rakaabkii biday garaadku

markuu goonyaha ka daatay

waa kii isagoo gamaarsan

shilkaa guddi culus u saaray!!!

Sharcigan wadhatada ganaaxa

Wasiirkana gool u looga

Sharcigan gabay maatadiisa

Af-miishaarkana gunneeya

Sharcigan kii galay abaalka

La gawdhshee gebagebeeya

Sharcigan lagu guulwadeeyo

Sharcigan uu gado macdaarku

Sharcigan geneyoow agoonta

Gidaar seexshee gumeeyey

Sharcigan kii ginida haystay

U siiyey dan-guud badheedhka

Sharcigan nabadana u guuxa

Wixii gubayana jideeya

Sharcigan beentuna gef weyntay

Runtana gurigeeda biiyey

Sharcigan dadka lagu gabraarto

Dantoodana dhacan ku giijay

Sharcigan geerida ka ooya

Haddana noloshii galaaftay

Sharcigana gaarida ammaana

Goonbaartuna derejo dhaanto

Sharcigan dusha laga gudboonyey

Salkana lagu kala gol-roonyey

Sharcigan booliga gasiinta

Xalaashana tola galkeeda

Sharcigan geed weyn ka soomay

Gudmaha yacaygana u haysta

Sharcigan horumarka gardaadsha

Haddana himiladu gamaarto

Sharciga guushana u heesa

Haddana aan dhalinin goolka.

Sharciga saddex gole ka kooban

Haddana guri qudhi istaadho

Sharcigan kud markaad ka guurto

Qanjaha loo galab carraabo.

Sharciga jajabkii gumaaday

Sharciga gabankiisa toogta

Sharciga ii qoda gammaada

Sharciga galladiyo abaalka

Rasaas ku gudee la eeday

Sharciga garanwaaga beera

Sharciga gofanaha barbaarsha

Sharciga gudhan ee gabloolay

Bal eeg goldalooladiisan

Inaad garataa canaantay.

Sidii saca giir dadweyne

Gondaal lagu sabo la eedye

Hadduu dadku kuu garsheegto

Hadduu tabashada gadoodo

Garwaaqisigu waa sed weyne

Gunuuskiyo yuuska jooji.

Dadkoo gofanuhu ka haagay

Wax-qabad gaanana sugaaya

Jihayn iyo talo u goomman

Hadduu gurgurshaa ku moodo

Hadduu aamino goshaada

Intuu soo guro caleemo

Hadduu ubax kugu gedaamo

Guddoon ku idhaa hankiisa

Ha odhan wada gebi-dhacleeya

Ha odhan wada gala siyaasad

Ha odhan wada kala go’dooma

Ha odhan jilib jilib u goosta

Ha odhan wada gura xashiishka

Ha odhan guddi baan u saaray

Gebliyo ha u tumin ciyaaro

Ka daa geesaas la oyga.