Wasiirro Ka Qayb Galay Bandhig Ay Qabsadeen Taageerayaasha Kulmiye Ee Borama

1
866

 

Borama(Geeska)-Wasiirka Warshadaha iyo Wasiir Ku xigeenka waxbarashada Md. C/Risaaq Cali Cismaan iyo Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa shalay ka qeyb galay shir xisbiga KULMIYE Taageereyaashoodu ku qabsadeen magaalada Boorame.

Kulankan oo ahaa kii ugu balaadhaa ee noociisa ah ayaa waxa halku dhig looga dhigay laba kaclaynta xisbiga Kulmiye ee G/Awdal waxaxa uu ka dhacay goob barxad ah oo aad u balaadhan waxana ku kulmay madashan Wasiiro xukuumada ka tirsan, Maamulka gobolka, kan degmada, masuuliyiinta NOW ee G/Awdal, musharixiinta xildhibaanada golaha degaanka ee Kulmiye, iyo taageerayaal aad u tiro badan.

Kulankan ayaa waxa ugu horayntii lagu shaaciyay in Gudoomiyaha Kulmiye ee G/Awdal loo soo magacaabay Muuse Carab Dugsiiye halka Gudoomiyaha Degmada Boorama ee X/Kulmiye loo soo magacaabay Cabdi Suldaan Kadiye, waxana ay masuuliyiintan la soo magacaabay xuseen in ay xilkan loo igmaday u gudan doonaan si balaadhan oo daacadnimo ah.

Kulankan ayaa waxa kale oo ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka waxana ay sheegeen in xisbul xaakimka looga bahan yahay in hawlahiisa loo soo wada eesto sidii guulo balaadhan looga soo hoyn lahaa doorashooyinka, isla markaan ay hiil badan siin doonaan hawlaha xisbiga ee Gobolka Awdal.

Xil. Abiibakar Good oo madashan ka hadlay ayaa isaguna hoosta ka xariiqay in mudadii uu ololaha waday xisbiga kulmiye ay balanqaadyo badan samaysay xukuumadu, maantana looga baahan yahay xildhibaanadan isa soo sharaxay in ay dhankooda qabsadaan waxqabadkii ku xusnaa buugii kulmiye una guntadaan sidii ay ololahooda doorashada guul uga soo hoyn lahaayeen.

Dacar Muxumed Geele oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka Hayada Nerad oo ka mid ahaa aasasayaashii xisbiga ayaa waxa uu xusay in hilin dheer ay u soo mareen in ay dhalinyaro iska soo sharaxdo guud ahaan Somaliland, tanina ay ku timid dadaalka xisbiga Kulmiye ee talada haya.

Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha waawayn ee xisbiga Kulmiye ee G/Awdal ayaa tilmaamay in wali aanu isbedelkiu wada dhamayn kulmiyana diyaar u yahay in hawlaha uu umada u hayo iyo isbedelkii uu ku baaqay uu kaga dhabeeyo.

Xildhibaanada isa soo sharaxay qaar ka mid ah oo madashan ka hadlay ayaa iyaguna ka dhawaaiyay barnaamikooda waxqabad iyaga oo xusay inay bulshada ka rabaan inay u codeeyaan.

Gudoomiyaha NOW ee G/Awdal Marwo Kawsar Ibraahim Rijaal, Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Kulmiye ee G/Awdal Hibo Maxamed Cismaan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay musharixiinta inay si xalaal ah u tartamaan una diyaar garoobaan sidii ay bulshada cod uga raadsan lahaayeen.

Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile oo madashan ka hadlay ayaa isaguna ku canaantay xildhibaanada inaanay wali soo bandhigin waxqabadkooda oo qorshaysan, waxana uu yidhi “ Kursiga maayarku idin qaadi maayo oo hal nin ayaa ku fadhisan doona waxaana loo baahan yahay inaad dhinacyada kale ee adeegyada bulshada u soo jeesataan sidii aad wax uga qaban lahaydeen.

Maayarku waxa uu la hadlay axsaabta iyo ururada kale waxana uu yidhi “ Ma samaynayn karno wax aanu sharxigu noo ogolayn oo ah inaan ku ololayno agabka iyo hantida dadwaynaha, sidaasi dhici mayso, waxaanan idiin sheegaynaa in aan ololaha qayb ka nahay oo aan kulmiye nahay kuna ololaynayno waxa uu dastuurku noo ogol yahay.

Badhasaabka G/Awdal Axmed Xadi Sidci oo ka hadlay madashan ayaa waxa uu xusay in xildhibaanda looga baahan yahay dadaal aad u balaadhan oo taabta dhinacyada ololaha iyaga oo axsaabta iyo ururrada siyaasada ee kale u horseedaya olole xalaal ah uu ku dhaca awi nabadgalyo ku dheehan tahay.

Wasiirka ku xigeeka Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu yidhi “ waad ogtihiin Kulmiye ee waa xisbiga kaliya ee tan iyo aasaaskiisii 2002 uu xildhibaankii iska soo sharaxay Golaha degaanka oo ah Madaxwayne ku xigeenka Somaliland uu ku guulaystay jago sare, tani badalkeeda kulmiye waxqabadkiisii wax badan waa qabtay waxana ay ka muuqdaan dhinacyada Jidadka, Caafimaadka waxbarashada iyo isbedelada dhinaca siyaasada ah ee dalka ka jaan qaaday”.

Wasiirka Warshadaha Mud. Cabdirisaaq Cali Cismaan oo ka hadlay madashana yaa la dardaarmay musharixiinta waxana uu yidhi “ Waqti idiinma hadhin, waa inaad is diyaarisaan, waa inaad qorshe la timaadaan oo aad olole xaal ah gashaan, waxa loo baahan yahay inaad muuisaan cududa xisbul xaakimka, dhinaca kale waxaan leeyahay xubnaha loo magacaabay xisbiga ee G/Awdal waa inaad la timaadaan isku xidhnaan, xafiisyadu way furan yihiin shirrar joogto ah ayaana la idiinka baahan yahay.

Kulankan oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay 2 maalmood oo kaliya ka hadhsan yihiin ololahii doorashooyinka.

Cabdalle Cali Yuusuf

Borama

Comments are closed.