Tagsiilayaasha Madaarka Hargeysa Oo Ka Gadooday Shirkad Ay Ku Tuhumeen In Kooto Loogu Xidhayo Rakaabka

45
669

Picture6Hargeysa(Geeska)-Tagsiilayaasha ka adeegta madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ayaa shalay ka gadooday shirkad cusub oo ay uga shakiyeen in kooto loogu xidhay madaarka Hargeysa, taas oo ah shirkadda gaar loo leeyahay, oo ka mid ah shirkadaha tagaasida ee Hargeysa ka hawlgala.

Tagsiilayaashii hore uga shaqaysan jiray garoonka ayaa gadooday ka dib markii ay ogaadeen goobaha lacagta lagu bixiyo oo ay dhisanayso shirkadaas oo ay tagsiilayaashu aaminsanyihiin inay wasaaradda duulistu kooto ugu xidhay inay ka shaqayso madaarka Hargeysa, waxaana la sheegay inay tagsiilayaashii hore madaarka uga shaqaysan jiray ay ku qamaameen goobtaas ay shirkadu dhisanaysay, iyadoo shirkadii kalena ay ka hortagtay, waxaana sida la sheegay halkaas ka dhaqashay buuq iyo qaylo ay markii dambe ciidamada Boolisku soo kala dhex galeen. Inkastoo aan la hubin waxa la sheegay in la xidhxidhay qaar ka mid ah tagsiilayaashaas hore uga shaqayn jiray madaarka Hargeysa.

Shirkadan ayaan la garanayn sababta ay wasaarada duulistu kootada ugu xidhayso madaarka Hargeysa, iyadoo ay madaarka hore uga shaqaysan jiray muwaadinii kale, kuwaas oo reerahooda ka masruufa lacagta khidmada ah ee ay ka qaataan dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya.

 

Comments are closed.