Komishanka Doorashada Oo Cayimay Wakhtiga Ay Soo Saarayaan Liiska Cod Bixiyayaasha Ee U Dambeeya

0
970

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Eng.Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa bisha Oktoobar u qabtay inay soo bandhigi doonaan liiska rasmiga ah ee dadka xaq u leh inay codeeyaan doorashada madaxtooyada ee November.

Eng.Cabdiqaadir Iimaan waxa uu sidan ka sheegay kulan ay guddiga doorashooyinku shalay la qaateen ururada bulshada rayidka ah oo ay ugu soo bandhigeen hawlaha u qabsoomay iyo diyaar garowga doorashada madaxtooyada, waxaanay guddigu ka jawaabeen su’aalo ay goob-joogayaashii madasha fadhiyay weydiiyeen.

Eng. Iimaan oo ka hadlaya wakhtiga ay soo bandhigayaan liiska kama dambaysta ah ee dadka kaadhadhka cod bixinta qaatay, waxa uu yidhi  “Bisha tobnaad wiigeeda hore ayaanu soo dayn doonaa iyadoo wax waliba cad yihiin, waxa kaadhadh inoo soo hadhay waxa la qaatay iyo waxa ay guud ahaan ahaayeen kaadhadhku.” ayuu yidhi guddoomiyaha guddiga doorashadu, waxaanu intaas raaciyay “labadii gobal ee ugu danbeeyay ayaynu hadda ka soo baxnay doraato ayuu inoo dhamaaday gobalka Sool iyo gobalka Sanaag, halkan ayay inoo yaalaan sanaaduuqdii waxii kaadhadh ah ee soo hadhay nabadgalyo ayayna ku soo dhamaatay.”

Ugu danbayntii Eng.Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxa uu ugu baaqay shacabiga Somaliland farriintan “Doorashada wajigii saddexaad ayaynu hadda galaynaa farsamo ahaan,aqoon ahaan iyo diyaar ahaanba komishanka waa uu ka dhan yahay, waa wajigii saddexaad ee lagu galaayay doorashada, haddaba maxaa inala gudboon,waxa inala gudboon iyada oo qofna qof lagu xumaynayan, komishanka ku riix, toddobadan xubnood ku riixa toddobadan xubnood ceebeeya oo daba gala aanay ahayn hadda waxa loo baahan yahay qof kasta oo reer Somaliland ah in aynu gacmaha is qabsano waa doorasho adag oo nooceedu inagu cusub yahay, waa doorasho dadkii wada siyaasi noqday oo diyaar loo yahay yar iyo weynba in la galo, markaas doorashadaas aynu galaynana waxaan ka codsanaynaa in gacmaha aynu is qabsano.”

Xubnihii shirka ka qayb galay ayaa iyaguna guddiga doorashooyinka siiyay warbixino iyo wixii talooyin ah ee ay muhiimka u arkayeen.