Booliska Oo Ka Hadlay Xadhiga Sheekh Aaden-Sune Iyo Hooyada Sheekha Dhashay Oo Iyaduna Dhinaceeda Hadashay

0
958

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay xidheen Sheekh  Aadan Cabdi Warsame ( Aadan Sune ), oo boolisku uu ku eedeeyay inuu ku jiro arimo ka dhan ah amniga, halka hooyada Sheekh Aadan Sune oo warbaahinta la hadashay ay dhankeeda meesha ka saartay inuu wiilkeedu waxyaabo dhibaato dalka ku ah ku jiro.

Sida oo kale mid ka mid ah hablaha la dhashay sheekh Aadan Sune ayaa hawlgalka ciidanka ku tilmaamtay mid lagu argagax galinaayo. Waxaana ugu horayntii warbaahinta la hadlay taliye ku xigeenka ciidanka booliska Cabdiraxmaan Fooxle oo ku hadlaayay taliska guud ee ciidamada booliska Somaliland, waxaana hadaladiisa uu ku bilaabay “Sida aad ogtihiinba ciidanka boolisku waxa uu ku jiray hawlgal aan kala go’lahayn mudadanba  oo  uu ku xaqiijinaayo amniga qarankan iyo dalkan, hawlgalkii ugu danbeeyay ee ciidanka boolisku ay xalay( Habeen hore ) ka hawlgaleen waxay ku soo qabteen Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sune) oo khatar ku haya qaranimada iyo khalkhal galin nabadgalyo lagu soo xidhay, isaga oo abaabulay kana been sheegay hawlgal ay ciidanka boolisku u fuliyeen oo lagu soo qabqbtay dhalinyaro badan oo tabobar ku sameeyay magaalada agagaarkeeda looguna talo galay inay fuliyaan falal qarankan ku lidi ah.”

Sheekh Aadan Sune hooyadii oo la hadashay tilifishanka Saab, ayaa iyada oo ka xun xadhiga wiilkeeda wax ay tidhi”Sheekhu waa kaan dhalay, curadkaygii weeye qalbi naguma jiro oo waanu qoomanay anagu, dhibaato way i haysataa, afar shan jeer weeye arintu, diinta ayuu hayay cidna muu dilayn cidna muu dagaalayn waa walad wanaagsan oo saalax ah oo xalaal ah, waxuu dilay,waxuu dhacay midna lama arkin, waxaan diin ahayn laguma hayo, diintana Alle isaga ayaa daliilkiisa u dhiibay oo soo rogay.”

Sida oo kale mid ka mid ah hablaha la walaalka ah Sheekh Aadan Sune oo iyaduna gurigooda kula hadashay tilifishanka Saab oo halkaas ugu tagay waxa ay tidhi “Dhibaatada taagani maaha mid,laba,sadex iyo afar toona ilaa intii ay dawladaas Siilaanyo dhalatay anaga dhibtii bilaabmatay wali way na haysataa, waayo inta madaxweyne ee dalka soo qabsatay waa la ogyahay”