“Waa U Ayaan Darro In Madaxweyne-Xigeenku Isku Koobo Gobalka Awdal Ee Uu Ka Soo Jeedo”

0
971

Xildhibaan Hufane oo ka soo jeeda gobalka Awdal

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee dhawaan ka baxay Kulmiye,kuna biiray Waddani,ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka,Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane,oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye iyadoo aan wali la gaadhin olole ayuu olole bilaabay,waxaana ololahaas qayb ka ah Xukuumadda,waxa se dhab ah in socdaalkii ay tageen Gobolka Awdal in weji gabax  kala Kulmeen oo dhabarka loo soo jeediyey, sababtoo ah muddadaas Xukuumadda Kulmiye taladda dalka haysay wax alaale waxay u qabatay Gobolka Awdal, ma jirto, Dadweynaha Gobolkana wey tashadeen,dantooduna Xisbiga Waddani ayey ku jirtaa”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxweyne ku xigeenka ayaa yidhi “Madaxweyne ku xigeenku mar walba oo uu meel u baxayo raxan Wasiiro,oo xilkoodii soo dayacay ayaa raaca,ee Madaxweyne ku xigeenku inta uu shaqo joojin ku sameeynayo Badhasabka Gobolka uu ka soo jeedo,miyaanu arkayn raxanta Wasiiradda ah ee daba socota,ee shaqadoodii soo dayacay,Madaxweyne ku xigeenku inta uu ku meeraysanayo Awdal,miyaanu Gobolada kale aanu xil ka saarnayn oo aanu Madaxweyne ku xigeen u ahayn,ee Madaxweyne ku xigeen haddii aad ku sime noqoto iyo haddii aad Madaxweyne ku xigeen ahaataba waa ku ayaan daro in Gobolka aad ka soo jeedo isku koobto”.