Komiishanka Oo Shaaciyey Maalinta Ay Xidhmayso Qabashada Liisaska Musharraxiinta Goleyaasha Deegaanka

0
449

Hargeysa (Geeska) – Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey wakhtiga kama dambaysta ah ee xidhmayso Qabashada Liisaska Musharraxiinta u tartamaya Goleyaasha deegaannada doorashada soo socota.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo Shalay soo baxay ayaa lagu sheegay in 17-ka bishan ay tahay Maalinta u dambaysa ee qabashada Liisaska Musharraxiinta.

War-saxaafadeedkaasi oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornaa sidan “Komiishanka doorashooyinku:-  Markuu arkay:- Qodobka 84-aad, farqaddiisa 1-aad ee Xeer Lr 91/2020 oo odhanaya ‘Liiska Musharraxiinta Goleyaasha deegaannada waa in la geeyo Xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6-da Galabnimo Maalinta 75-aad intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman Xeerka.

Markuu arkay:- Qodobka 84-aad, farqaddiisa 3-aad Xarafka (D) ee Xeer Lr. 91/2020 oo tilmaamaya  ‘Liisaska Musharraxiinta Ururka/Xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa Rasiidhada bixinta Deebaajiga Musharraxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda eek u xusan Qodobka 83-aad ee Xeerkan.

Sidaa daraadeed, Komiishanka doorashooyinka Qaranku idinla socodsiinayaa.

  1. In Lixda Galabnimo ee Maalinta Arbacada 17 March, 2021 ay tahay Maalinta ugu dambaysa ee Qabashada Liisaska Musharraxiinta Goleyaasha deegaanka
  2. Liiska Musharraxiinta waa inay ku lifaaqan yihiin dhammaan shuruudaha kale iyo dhukumantiyada looga baahan yahay ee sharcigu waajibiyey oo ay ka mid tahay bixinta deebaajiga musharraxiinta ee Wasaaradda Maaliyadda.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office