Dhibaatada Murannada Dhulka: Dhimasho & Dhaawac Ka Dhashay Weerar Ka Dhacay Dhul Lagu Muransan Yahay Oo Ku Yaalla Laascaanood

0
561

Laascaanood (Geeska) – Hal Qof ayaa ku Geeriyooday weerar Shalay ka dhacay Duleedka Waqooyi ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Weerarka oo sidoo kale sababay dhaawac laba Nin, ayaa waxa soo qaaday Shan nin oo hubaysan, kuwaasi oo ku qaaday dhul muran ka taagan yahay oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Laascaanood, waxayna weerarreen Dadkii ay dhulka isku haysteen oo ku sugnaa halka weerarku ka dhacay.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo markii iska hor-imaadkaasi dhacay ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in la qabtay Dadkii dhibaatada geystay isla-markaana sharciga la hor-geyn doono.

Badhasaabka Sool oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhacdo ayaa ka dhacday Dhul ku yaalla Waqooyiga Magaalada Laascaanood, dhacdadaasi waxay sababtay Geerida hal Nin, waxa kale oo iyaguna ku dhaawacmay 2 Nin oo kale oo Odayaal ah, waxaan Leeyahay Ilaahay ha u boogo dhayo.”

Badhasaabku wuxuu sheegay “Dhacdadan waxa geystay Shan nin oo hubaysan oo Dadkii dhibaatada geystaay, Shantaa nin Dawlad ahaan Gacanta ayaanu ku soo qabanay, waxaan uga Mahad-celinayaa Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Booliska Gobolka Sool jawaabtaa deg-degga ah ee ay falkaa ka bixiyeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu baaq u diray dhinaca dhibaatadu gaadhay “dhinaca kale waxaan u sheegnay in Dadkii dhibka geystay ay Gacanta Dawladda ku jiraan, sidaasi darteed inay iyaguna is-xakameeyaan, sharciga in la ilaaliyo, wax alaale iyo wixii dhacana in Dawladda lagu soo simo.”

Ninka Geeriyooday iyo mid ka mid ah labada Nin ee dhaawucu soo gaadhay, ayaa is-dhalay oo kala ah Aabbo iyo Wiilkiisa, sida ay ku warrantay Warbaahinta Gobolka Sool.

 

Geeska.net/Hargeisa Office