Kombiyuutarka Aadame-U-Ekaha Oo Shaqada Ka Garbinaya Dadka Haysta Shaahaadooyinka Sare Ee Waxbarashada

0
575

ddddWashington (Geeska)- Qaar ka mid ah dadka dunida ugu maalqabeensan, ugu awoodda badan isla markaana lagu tilmaamo labeenta iyo aqoonyahanka bulshooyinkooda ayaa shir ay toddobaadkan isugu yimaaddeen ka soo saaray baaq ku waajahan qadiyad caalamiya oo xasaasi ah, taas oo la xidhiidha kombiyuutarrada Aadame-u-ekaha ah ee dunida ku soo kordhaya oo la filayo in waqtiyo dhow ay aad u soo bataan, hawlo kala duwanna qabtaan.

Shir caalamiya oo uu qabtay Maxadka Milken oo ku yaalla dalka Maraykanka ayaa afar fadhi oo ka mid ah waxaa dooddiisa hadheeyey sidii loo xakamayn lahaa tiknoolajiyadda ku soo badanaysa qabashada hawlihii aadamauhu ka shaqayn jiray.

Michael Choi oo la shaqeeya Maxadka McKinsey ayaa isaga oo isla arrintan ka hadlaya salaasadii shalay yidhi, “Ma waxaa jirtaba shaqo aamin ah. Inta badan faa’idooyinka shaqo ee aynu ku aragno aaladaha Aadame-u-ekaha ah, sida shaqo wanaagga iyo qaladaad yaraanta, waxaa garab socota shaqaalihii dadka ahaa oo uu yaraynayo”

Shirkan sannadlaha ah oo ay ka qayb galayaan 3500 oo qof waxa uu bilowday Axaddii toddobaadkan waxa aanu soconayaa Afar maalmood, iyada oo waxa ugu muhiimsan ee lagaga doodayaana yahay mustaqbalka shaqo ee aadamaha”

Qaar ka mid ah Toddobada boqol ee ergey ee shirkan ka hadlay ayaa ku dooday in Tiknoolajiyaddu aanay dhibaato ku ahayn shaqooyinkii hoose ee aan xirfadda u baahnayn oo keliya, balse ay sidoo kale aaladaha Kombiyuutarka ee Aadame-u-ekaha ahi (Robot) ay ka shaqeeyaan rarista gaadiidka xamuuka ah eek a shaqeeya dhulka macdanta laga soo saaro ee dalka Ustareeliya, sidoo kale Robot ku waxa uu maamulaa barnaamijyo ay ku shaqeeyaan shirkado waaweyn ooh ore ay shaqadaa ugu qaban jireen shaqaale sita shahaadooyin cilmiya oo aad u sarreeya. Sida la og yahayna Mishiinnada Kombiyuutarka ah ee bangiyada Wall Street ee dalka Maraykanku isticmaalaan ayaa hore suuqa uga saaray shaqaale badan oo sitay shahaadooyinka jaamacadeed ee Master iyo Doctorate.

Daniel Nadler oo ah agaasimaha Kenechu oo ka shaqaysa arrimaha maaliyadda, isla markaana qayb ku leh shirkadda Goldman Sachs ayaa isna madashan ka yidhi, “Qof kasta oo shaqadiisu ahayd macluumaadka gudbintooda, waxa hawshaa ka qaadi doona Mishiin”

Inta la og yahay bangiyada waaweyn ee dunida ayaa sannadihii yaraa ee ina dhaafay waxa ay dhimeen Tobannaan kun oo shaqaale ah, kadib markii faa’idadii bangiyadu intii hore ka yaraatay, cadaadis badan oo faa’iido doon ahina kaga yimid dadkii saamiyada ku lahaa. Bangiyadani shaqaalaha ay dhimeen waxa ay ku beddesheen tiknoolajiyadda oo ay ka mid yihiin Mishiinno iyo aalado Aadame-u-eke ah oo Kombiyuutar ku shaqaynaya. Waxaana dunida oo dhan soo xoogaysanaya cabsida laga qabo in shaqo la’aanta dadka oo imikaba aad u badani ay ka sii darto, maadaama oo tirada dadka dunidu sii badanayso, isla markaana aaladaha casriga ah ee Kombiyuutarka ku shaqaynayaa ay si xooggan u soo galeen suuqa shaqada hawlo badan oo dadku qaban jireenna si ka fudud, ka dhaqso badan, ka qalad yar kana kharash yar dadka u qabanayaan.