Kiriimada, Shaambooyada Iyo Walxaha La Isku Qurxiyaa Waxa Ay Dhallanrogaan Hormoonnada Dheddignimada

31
4054

Hargeysa (Geeska)- In kasta oo ay dumarku weli ku badan yihiin, haddana guud ahaan dadka adduunka waxaa ku soo badanaya xiisaha gaarka ah ee loo qabo is qurxinta. Waxa aana la aaminsan yahay in sannad kasta ay dadka dunida lacago aad u badani kaga baxaan kiriimada, bootarrada, qalabka kale iyo farsamada la isku qurxiyo, oo ay xitaa ku jiraan qalniinada isqurxinta ah ee ay dhakhaatiirtu sameeyaan.

Nasiibdarro, waxaa soo baxaysa in dadku aanay aad uga fikirin ama maskaxdooduba is weydiin dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta walxaha ay isku qurxinayaan. Gaar ahaan walxaha ka samaysan kiimikada oo la ogyahay in ay sababto caafimaad darro badan.

Cilmibaadhis caafimaad oo cusub ayaa lagu ogaaday in maaddooyinka kiimikaad ee aadka ugu badan samayska walxaha la isku qurxiyo iyo walxaha lagu daryeelo caafimaadka iyo quruxda maqaarku in ay sababaan isbedello dhinaca hormoonnada dumarka. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda George Mason oo ku taalla gobalka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in maaddooyinka kiimikaad ee ay ka mid yihiin Benzophenone, Paraben, antimicrobial, Phenolic A, Chlorphenol iyo Preservative.

Cilmibaadhistu waxa ay daahfurtay in uu jiro raad cad oo ay maaddooyinkan kiimikaad ku yeeshaan hormoonnada taranka ee haweenka. Tusaale ahaan walxaha iyo kiriimada jidhka lagu qurxiyo ayaa la ogaaday in ay yareeyaan heerka hormoonka Estradiol, hormoonka FSH (Follicle-stimulating hormone) iyo hormoonka Melotin (LH) oo dhammaantood ah hormoonno la xidhiidha dhalmada, taas oo marag u ah in uu mar kasta jiro xidhiidh ka dhexeeya kiimikada maaddooyinka la isku qurxiyaa ka samaysantahay iyo awoodda bacariminta ee dumarka. Waxa aanay dad badani aaminsan yihiin in haddii maaddooyinka ku jira walxaha la isku qurxiyaa ay ku bataan jidhka ay sababi karaan ma dhalaysnimo.

Dr. Anna Pollack oo ka mid ahay hormoodka daraasaddan ayaa ka hadashay arrinta ugu weyn ee daraasaddan laga fahmayo, “Waxa ay tahay in aynu ka baranno daraasaddani waa muhiimada ay leedahay in aynu aad uga feejignaanno maaddooyinka kiimikaad eek u jira kiriimada iyo waxsoosaarka kale ee la isku qurxiyo ee aynu isticmaalayno”

Waxaa xusid mudan in maaddooyinka kiimikaad ee ay daraasaddani ka hadlaysaa aanay ku koonayn kuwa ku jira walxaha ay dumarku isku qurxiyaan. Balse waxaa jira maaddooyin kala duwan oo ku jira walxaha ay ragga iyo dumarkuba isticmaalaan, sida shaambooyada iyo maaddooyinka kale ee la isku qurxiyo, kriimada iyo dawooyinka timaha lagu qurxiyo, iwm. Sidaa awgeed waxa ay cilmibaadhayaashu ku talinayaan in qofku uu mar kasta ku baraarugsanaado ogaanshiyaha waxa uu ak kooban yahay waxa ay jidhkooda ama timahooda marinayaan, si ay uga fogaadaan maaddooyinka dhibaatada keenaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here