Kiniinka Aspirin Ku Waxa Uu Khatar Ku Yahay Dadka Bukaanka Ah Ee Qaba Cudurradan Hoose

0
1190

London (Geeska)- Cilmibaadhis muddo 10 sano ah lagu waday dad da’doodu 75 sano iyo ka weyn jirtay oo wadne u qaata dawada Aspirin ayaa lagu ogaaday in ay waajahayaan khatarta ah dhiig bax daran ama xitaa dhimasho keeni kara oo caloosha ah. Waxa aana lagula taliyey in ay cunaan dawooyinka asiidhka / gaasta loo cuno si loo xakameeyo khatartaas ay waajahayaan.

Cilmibaadhis natiijadeeda la faafiyey arbacadii ina dhaaftay ayaa iyadu dadka dawada Aspirin qaata u kala saartay laba qaybood oo kala ah; kuwo ka weyn 75 iyo kuwo ka yar, waxa aanay khubaradu shaybaadh tijaabo ahaan ugu sameeyeen 3’166 ruux oo Ingiriis ahaa oo wadne xanuun ama dhibaatooyin dhinaca wadnaha ah qabay ama uu hore dhiig ugu furmay, kuwaas oo qaata dawooyinka qofka ka ilaalisa in uu dhiiggu guntamo si aanu mar labaad faaliiggu ugu soo noqon. Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters sheegtayna waxa ay cilmibaadhayaashu xaqiijiyeen in natiijada soo baxday macnaheedu aanu ahayn in dadka waaweyni ay iska daayaan isticmaalka Aspirin ka, balse waxaa lagula talinayaa in ay si aad ah u isticmaalaan dawooyinka asiidhka caloosha loo qaato, sida dawada Omeprazole oo ay suurtogal tahay in ay boqolkiiba 70 illaa 90 yarayso khatarta ah in uu Aspirin ku dhiigbax ku keeno hab-dhiska dheefshiidka ee sare.

Dawada Aspirin waxaa markii ugu horreysay sannadkii 1897 kii lagu sameeyey shaybaadhka shirkadda Bayer Bavey, waxa aanay ka mid tahay dawooyinka aadka looga helo farmasiiyada ee aan iibkooda shuruudda badan lagu xidhin, maadaama oo si guud loo aaminsan yahay in aanay dhibaato keenin, laakiin haddana muddo dheerba waa ay jirtay hadalhayntan hadda xoogaysatay ee sheegaysa in dawada Aspirin ay keento dhiig bax caloosha ah.

Peter Rothwell oo ka mid ahaa xeeldheerayaasha cilmibaadhisan sameeyey ayaa shaaciyey in cunista dawooyinka la dagaalama in dhiiggu guntamo, sida Aspirin ka ay boqolkiiba Labaatan hor istaagaan in wadne wareenka ama dhiigfuranka iyo faalliggu soo noqnoqdaan, laakiin waxa uu khabiirkani hoosta ka xariiqay in taas macnaheedu aanay ahayn in Aspirin uu bilaa dhibaato yahay, isaga oo sheegay in inta la og yahay uu isticmaalka Aspirin uu sannad kasta dalka Ingiriiska oo keliya sabab u noqdo dhimashada ugu yaraan saddex kun oo qof, dadkaas oo u dhinta dhiigfuran caloosha ah oo ka yimaadda sababta Aspirin.