Kijaandhe Oo Ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa Iyo Salaadiin & Siyaasiyiin Si Weyn U Taageeray

0
561

Hargeysa (Geeska)-Munaasibad lugu taageeraayo Musharaxnimada xilka Madaxweyne ee  Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa ka dhacday Hadhwanaag Hotel ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay,  ayaa waxa  ka soo qayb galay  Wasiiro, Salaadiin, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Xidhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa arin meesha ku jira oo afar iyo labatankii sanno ee aynu dalka ku jiray maanta ayaan hawaysanay kursiga, maantana waa wax lagu farxo inagoo horena isugu daynay oo Xisbi gaara oo aynu inagu madax ka nahay samaysanay  waxaan qabaa in aad guulaysan doonto oo aad soo bixi doonto” Caaqil Xuseen Colaad Jaamac(Halac), oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisi ku bilaabay  “Ninka Geela leh waxa la yidhi dadka markuu marti soorayo isagu caanaha Geela ma cabo, maanta ninkii Geela lahaa ayaa Musharax ah waxaan halkan ka sheegayaa nin kasta oo amaah lagu lahaa waan ka sugaynaa waxana ugu horeeya beesha Madaxweyne Silaanyo oo aan leeyahay wixii aan idin amaahinay Maanta waan idiinka fadhinaa”

Jamaal Caydiid oo isna ah Guddoomiyaha Komishanka Abaabul ka saarka qaranka  oo isagu munaasibada ka hadlay  ayaa yidhi “Nin ay kaligii soo saarayso xaafadiisu ama beeshiisu ma jirto ee waa la isku Tagayaa sidii uu sheegay caaqil Halac  oo wax ayaa la is waydiisan Doonaa anaguna waanu taageersanahay musharaxnimada Xildhibaan Axmed Kijaandhe.”  Marwo Sahra Maxamuud Oo ka mida Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye oo iyana halkaas ka hadashay ayaa  soo dhawaysay Musharaxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaadhe. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-Nac oo ka mid ah Golaha Wakiilada kana tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa isna dhankiisa ka soo dhaweeyey Musharaxnimada Xidhlibaan Kijaandhe waxaanu yidhi  “Axmed Kijaandhe oo Maanta hankiisii isu soo taagay musharax Madaxweyne Waan Soo dhawaynaynaa haddii laynaga helo waa halkeeda musharax waan ku soo dhawaynynaa waxaan kugu han waynahay in aad ku guulaysan doonto”.  Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan  Cumar Suldaan Maxamed oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay garab istaagayaan isla markaana taageerayaan Musharaxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, waxaanu yidhi“ Haddaan ka dabo tago hadalada qaar; kama daba tagi doono Golaha Dhexe oo qudha waxan ka daba tagaynaa dhamaan cidii aan qaamaha ku lahayn ee aynu hore wax u amaahinay waayo waa wax aan waydiisan doono salaadiin, Siyaasiyiin , Aqoonyahan dhamaan waan kala tashan doonaa in amaahihii hore aynu u bixinay in maanta layna siiyo”. Suldaan Cumar, wuxuu sheegay inuu qalbi furan ku soo dhawaynayo musharaxnimada Axmed Cabdi Kijaandhe oo uu tilmaamay inuu u qalmo.  Wuxuu Suldaanku sheegay in badbaadada xisbiga KULMIYE ku jirto xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo loo doorto musharaxa madaxweyne.

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee  Golaha Wakilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed Ayaa isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ka Xisbi ahaan soo dhawaynaynaa Musharxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo aan leenahay waan kugu taageeraynaa hankaaga aad muujisay”.

Ugu dambayntii waxa Munaasibadaas ka hadlay  Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, waxaanu ka war bixiyey waxa ku kelifay musharaxnimada Madaxweyne, waxaanu sheegay inay daacad ka tahay, oo xilkaas u taagan yahay, “Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan dadka igu Taageeray musharaxnimadayda waxan leeyahay waad ku mahadsan-tihiin taageerada aad ii muujiseen  waxaan idiin sheegaya dadka qaar ayaa idhaa ina kijaandhe daacad kama aha waxaan sheegayaa in ay iga daacad tahay oo ay iga niyad tahay . Waxa igu kalifay waxa ay tahay waxaan ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye wakhtigii Hore la soo bilaabay sidaa darteed waxaan is idhi ma taageere ayuun baad Noqon waa in aad noqotaa la taageere.”

Xildhibaan Kijaandhe, wuxuu meesha ka saaray hadalo sheegaya inaanu daacad ka ahayn musharaxnimada, waxaanu sheegay inuu daacad ka yahay inuu tartamo oo la doorto, isagoo xusay inaanay jirin cid musharaxnimadiisa dabada ka riixaysaa. “Kursi jacayl ima gayn musharaxa madaxweyne, laakiin xaq baan u leeyahay waxaanan idinka codsanayaa inaad I taageertaan.” ayuu yidhi xildhibaanku, waxaanu hadalkiisa ku soo koobay, “Waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan halka u dambaysa soconayo oo aanan ka hadhin, golaha dhexe ee xisbiga beesha ugu jirana waxaan ka codsanayaa inay I taageeraan.” ayuu yidhi Axmed Cabdi Kijaandhe.