“Khudbadii Madaxweynuhu Jeediyey, Waxa Ay Muujinaysay In Aanu Madaxweynuhu Wax Badan Kala Socon Marxalada Uu Dalku Marayo”

0
682

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiiladda, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa tilmaamay in khudbadii Madaxweynuhu shalay ka hor jeediyey Labada Gole Qaran, inay xaqiiqada ka fogeyd, iskana indha  tiray xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka jira, waxaanu Xildhibaanku sheegay inay muddo dhaaftay oo ay habsaantay Khudbada Madaxweynuhu isaga oo xusay in mar hore looga baahnaa.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba ayaa isaga oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu waxyaabaha dalka ka socda aanu waxba kala socon, isaga oo sheegay in muddadii Xukuumaddani taladda dalka maamulaysay inay dhibaatooyin aad u badani dhaceen, oo Shacabka hagar-daamooyin loo geystay, waxaanu sidoo kale isbarbar dhig ku sameeyey Xukuumadda hadda taladda haysa iyo Xukuumaddii hore, waxaanu sheegay inay Xukuumaddani ku talaabsatay falal aad u qariban, waxaanu yidhi “Ugu horeyn Khudbadii Madaxweynuhu Maanta (Shalay), ka jeediyey Labada Gole, wey muddo dhaaftay, oo Sannadka bilawgiisi ayey ahayd inuu jeediyo, dib ayeyna uga dhacday, ,balse Khudbadii uu Madaxweynuhu jeediyey, waxa ay muujinaysay in aanu Madaxweynuhu waxba badan kala socon Marxalada uu dalku marayo”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Khudbada Madaxweynuhu waxa ay muujinaysa mid ku kooban kuna xayn-daaban,inta ay Indhihiisu iyo Dhegihiisu maqlayaan arkayaana,  balse Khudbadu may ahayn mid ka turjumaysa  dhibaatada dhabta ah ee haysta ama tabanaysa  Bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan,may ahayn mid Bulshaada reer Somaliland Miyi iyo Magaalaba ha joogaana mid dareen ka qabtay Khudbadaasi, balse waxa ay ahayd oo qudha Khudbadaasi mid Wasiirada ku hareeraysan, waxa wanaagsan ee ay u sheegayaan, in laga soo ururiyey, waxaase Madaxweynaha looga fadhiyey Khudbad ka balaadhan intaas, waxa looga fadhiyey khudbada dhabta iyo xaqiiqda nolosha ee ay ku nool yihiin Bulshada reer Somaliland taabanaysa,  may ahayn Khudbad ka waramaysa Siyaasada ay Xukuumaddu ku xakameeynayso Maceeshada hadh iyo habeenba cirka isku sii shareeraysa, may ahayn Khudbad xooga saaraysa Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka dalka ka dhici doona, ee isa saaran ee Sannadka keliyi ka hadhsan yahay, sida xal loogu heli karo, sababtoo ah Xukuumadda ayaa looga fadhiya, Dastuurkuna ku waajibinaya inay  Diiwaangelin nadiif ah oo xor iyo xalaal ah  dalka ka qabato, iyo Doorasho la mid ah, waxa la filaayey in Khudbada Madaxweynaha dulucdiisu ahaato Diiwaangelinta iyo qaabka loo fulinaayo iyo sida ay dalka Doorashooyin uga dhici lahayeen Sannadka soo socda, balse kumay jirin,”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba isaga oo hadalkiisa sii wuxuu yidhi “Khudbada Madaxweynaha waxa ahayd inay ku jiraan oo aan ku jirin Arrimaha Amniga, ee Guddaha oo Maalinba Maalinta ka dambeysa sii xumaanaysa, ee Ciidamada Amnigu dadka Shacabka ah sida tooska ah ee badheedhka ay Xabada nool ugu dhuftaan, ee hadh iyo habeen dhimashadu taagan tahay, Madaxaweynuhu markii uu ahaa Mucaaradka waxa uu aad uga qeylin jirey oo uu sheegi jirey inay dadku xaq u leeyihiin inay isku soo baxaan oo ay Mudaharaadan, oo in Xabad loogu jawaaba Xaaran tahay, waxaana Maalimihi ugu dambeeyey Hargeysa Ardeydii Jaamacadaha ee Mudaharaaday Xabad lala dhacay,  qaarna la xidhxidhay, cadaadiskaas, cabudhintaas iyo dhibaatooyinkaas lagu hayo Dadka Shacabka ah ee reer Somaliland, Madaxweynuhu war uma hayo, Guri ayuu kaga qufulan yahay, waxa loo sheegaana ay waxa kale tahay, waxaana dhab ah in qof dareen leh, oo damqanaya oo dal xumahaya waxaas kumuu aamuuseen, qasabna waxa ahaan lahayd inuu waxaas ku soo qaato khudbadiisa, waxaana xaqiiqo ah in Khudbadan ay ahayd tii uu ka jeediyey Shirweynihii Kulmiye, taas oo laga saaray oo qudha Qodobadii ku saabsanaa Kulmiye, si aan loola yaabin”.

Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey qodobo uu sheegay inay Xukuumaddu ku fashilantay muddadii ay xilka haysay ayaa yidhi “Saddexdii Sanno iyo dheeraadkii ay dalka Xukuumaddani haysay waxa xad dhaaf noqday oo batay kala daadsanaanta Shacabka iyo  Qabyaalada ayaa dib u soo noolatay, balse waxa wax lala yaabo ah inuu Madaxweynuhu yidhaahdo markii aan Olalaha ku jirey waxyaabihii aan idiin sheegayey 80% ayaa kordhay,waxaasi waa wax laga xishoodo, oo maaha wax  lala soo hor fadhiisto Labada Gole Qaran, waxaana xaqiiqo ah in inta uu sheegayo in ka badan oo dhibaato ahi dadkii gaadhay, wax-qabadka ay sheeganayaan, ”

Ugu dambeyntii Xidhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa isaga oo isbarbar dhigay wax-qabadkii Xukuumaddii hore iyo Xukuumadda hadda ayaa yidhi “Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu sheegay markii uu Madaxweyne Siillaanyo xilka ku wareejinayey inuu dawlad, dal iyo dad midaysan ku wareejinayey, Maanta se waxa batay Qabyaaladii, Tafaraaruqii, Beelo beelaha, Arda-ardaaga iyo Juf-jufada,Xukuumadduni waxa ay ku meeraystaa oo eegta oo qudha Gidaar la nuuradeeyey, Gidaar la nuuradeeya, ,waxba ma dhiso, balse waxa wax dhisaa waa Midnimada Umadda, iskaashi iyo tafaraaruqa oo laga saaro, aqoonta iyo waay-aragnimada oo kor loo qaado, taas ayaa wax qabad ah, Dawladdaha Aduunka ugu waaweyna dariiqa aynu haynaa wey ku dumaan”.