Madaxweynaha Somaliland Oo Waaya-Aragnimo U Sheegtay Dhigiisa Somaliya Kuna Tilmaamay Nin Ku Cusub Siyaasadda

0
560

siilaanyo 33Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh uu ku cusub yahay Saaxada Siyaasada, sheegayna inuu yahay Dhalinyaro, tusayna inuu Siyaasada kaga waaya-aragsan yahay. Wuxuu madaxweynuhu arrintan kaga hadlay khudbadii uu shalay u jeediyay labada gole qaran.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo  kale ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya, oo uu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland ka dhexeeyo xidhiidh, Waraaqana is weydaarsadeen.

Madaxweynaha oo arintan kaga hadlaya Khudbadiisi Sannadlaha ah ayaa sidoo kale sheegay in aanu Xuduudaha Somaliland cidna kala tashaynayn, waxaanu sheegay in Somaliland iyo Somalia uu ka dhexeeyo wada hadal, Caalamkuna markhaati ka yahay, waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya “Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii tahniyada madaxtinimada aan ugu diray”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadal dunidu inoo golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaa ayaan leeyahaya. Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa”.