Fadeexad Soo Waajahday Raysalwasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Ay Dawladda Kanada Hore Ugu Qabatay Musuqmasuq

18
519

Picture6Hargeysa(Geeska)-Fadeexad hor leh ayaa soo waajahday Raysalwasaaraha cusub ee Somaliya Mr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ka dib markii lagu helay inuu qaadashada lacagta caydha loo yaqaano ka been abuuray, si uu lacag dheeraad ah u helo, wakhtigii uu ku noolaa dalka Kanada.

Mr. Cabdiweli, oo haysta dhalashada dalka Kanada, sababta koowaad ee uu Xasan Sheekh ku xushay ayaa ah inuu dhaqaalaha ku takhasusay islamarkaana uu yahay masuul ay beesha caalamku aamini karto, maadaama oo ay dawladda Xasan Sheekh fashilisay Yusur Abraar oo iska casishay bangiga dhexe ee dalkiisa. Hase yeshe Raysalwasaaraha cusub oo aanu weli Baarlamaanka Somaliya ansixin ayaa waxa cadaatay inuu yahay nin musuqa ku soo caano maalay. Dhukumenti la helay ayaa cadeeyay in Raysalwasaaraha cusub ee Somaliya uu been ku qaadan jiray lacagta caydha ah ee wadanka Kanada, taas oo markii dambe la ogaaday, dabadeedna dambi lagu soo oogay.

Ciidamada Booliska ee magaalada Quebec ee dalka Kanada, ayaa 13 Oktoobar, 2001 xareeyay dacwadda Mr. Cabdiweli. “Mr. Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu warbixino been ah siinayay hay’adda Quebec welfare and social service, isagoo sheeganayay dakhli been ah, isagoo ka shaqaynayay Ottawa ayay qoyskiisuna qaadanayeen lacagta caydha.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalkaas Booliska Kanada oo ay warbaahinta Somaliya qaar ka mid ah baahiyeen.

Boolisku, waxay ku eedeeyeen Mr. Cabdiweli inuu lacagta caydha ah ee qoysaska lagu taageero uu ku dan gaadhayay isagoo lahaa aqoon uu shaqo fiican ku heli karo. “Cabdiweli wuxuu u arkay [Beenta] sida ugu fudud ee uu lacag bilaash ah ku heli karo bil kasta, muddo sannad iyo lix bilood ah, isagoon baxayn shaqana raadsanayn.” Ayuu Boolisku yidhi warqadaas oo uu saxeexay Mr. John Leverr’ue.

Ugu dambayn wuxuu Boolisku qoraalkiisa ku yidhi,  “Cabdiweli iyo qoyskiisu waxay ka shaqaysanayeen saddex meelood oo kala duwan 17-kii bilood ee u dambeeyay. Sidaas darteed waa inuu Cabdiweli hortagaa maxkamadda caydha la musuqo iyadoo aanay dawladda Quebec wax kaalmo sharci ah siinayn.”

Dhukumentigan ayaa wejigabax ku noqonaya Mr. Cabdiweli iyo weliba Madaxweynaha magacaabay, waxaanay calaamatu su’aal saari doontaa sida ay Beesha caalamka ee Somaliya caawisaa ku aamini karto.

 

Comments are closed.