Xiddiga Caanka Ku Ah Kubada Kolayga Yaasiin Xasan Nuur Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
818

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xidiga Caalamiga ah ee Kubadda Kollayga Yaasiin Xasan Nuur oo ah Kabtanka kubbadda Kollaga ee dalka Qatar, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa ka dib markii uu ka soo degay madaarka Magaalada Berbera.

Dad Tiro badan oo iskugu jiray siyaasiyiin, aqoon yahanno, kooxaha kubadda kollayga ee caasimadda Hargeysa, dhalinyaro iyo haween ayaa Magaaladda Haleeya ee duleedka bari ee Hargeysa ka soo galbiyay Xidiga caanka ah ee Yaasiin Xasan Nuur oo haysta rikoodhka xidigii ugu wanaagsan kubadda Kollayga ee qaaradda Aasiya.

Yaasiin Xasan Nuur ayaa dadweynihii iyo ciyaar yahanadii tirada badnaa ee soo dhaweeyay uga mahad celiyay sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkiisii hooyo. “Safarkaygan oo aan ahayn kii ugu horeeyay ee aan ku yimaado dalkayga waxaan wax badan ka geysan doonaa horumarinta kubadda Kollayga oo aan ka taageeri doono ciyaartoyga agab iyo dhinaca tababaraddaba. Waanan ku faraxsan nahay inaan si nabad ah dalkayga hooyo ku soo booqdo,”

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xidhiidhka kubaddaha Gacmaha Maxamuud Xasan Cabdilaahi, waxaanu ka waramay kaalintii iyo waxtarkii uu xidigani ku taageeray ciyaaraha kubadda kollayga ee dalka, waxaanu xusay inuu dhawr jeer deeqo kala duwan soo gaadhsiiyay isla markaana tababaro uu siiyay Naadiyada kubadda Kollayga Hargeysa.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawadda Md.Cali Maxamed Warancadde  iyo wasiirkii hore ee dib u dajinta Siciid Sulub, ayaa iyaguna ka qaybqaatay soo dhawaynta ciyaaryahankan reer Somaliland, waxaana loo soo galbiyay gudaha magaalada Hargeysa.