“Khilaafka Xisbiyada, Waxa Waano Inoogu Filan Xisbigii UDUB”

31
3020

Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa talooyin u soo jeediyey Xisbiga Waddani,waxaanu uga digay khilaaf ka dhex dhasha Masuuliyiinta Xisbiga, waxaanu ka digay in laga hor tago oo la xaliyo wax kasta oo khilaaf keeni kara, si aanu XIsbigu u burburin, waxaanu tusaale u soo qaadatay Xisbigii UDUB, oo uu sheegay inuu khilaaf dartii u burburay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Shacabka, Dawladda iyo Axsaabta, waxaanu ugu horeyn yidhi“Khilaaf soo kala dhex gala Xisbi, wuxuu yahay burburka ama bilawga burburka Xisbiga, waxaana waano iyo tusaale inoogu filan Xisbigii UDUB ee Xisbiyadu ka aasaasmeen, wuxuu u burburay khilaaf iyo nin jeclaysi, markaas waa inuu Xisbiga Waddani is wataa, oo uu ahaada Xisbi Qaran, khilaafkana Xisbiga ha laga daayo, oo wada tashi iyo isku tanaasulo ha lagu wado”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay wadankiina ilaashad, khilaafyada abuurmana ha sii buun-buunina, oo kor ha u sii qaadina, waxaana leeyahay Shacab, Dawlad iyo Axsaaba ha la wada shaqeeyo sidii khilaaf kasta oo soo kordha loo xalin lahaa, si aan Xisbina inooga raacin Waddadii Xisbiga UDUB ku burburay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here