Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Qorshaynta Oo Xalay Is Casilay

20
2867

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha Prof. Cabdi Cali Jaamac, ayaa iska casilay xilkii uu qaranka u hayay.

Agaasime Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii bartiisa facebook wuxuu ku qoray inuu xilkii iska casilay, “Maanta oo ay taariikhdu tahay 11kii bisha April 2018, waxaan iskaga tagay xilkii agaasimaha guud ee aan hayay.” Sidaas ayuu yidhi agaasimaha guud laakiin muu bixin wax faahfaahin ah.

Qoraalkan kooban ee agaasimaha guud ayaa u muuqda mid ay cadho ka muuqato, waxaana muuqata inaanu xataa is casilaadiisa madaxtooyada si rasmi ah u gaadhsiin ee uu baraha bulshada u mariyay warkiisa is casilaadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here