Khilaaf Ku Saabsan Arrimaha Dhulka Danta Guud Oo Soo Kala Dhex Galay Duqa Caasimada Iyo Ku Xigeenkiisa

0
302
Marnaba Ansax Noqon Maayo Dhul Kasta Oo Aanu Saxeexin Maayarka Caasimaddu” Qoraalka Maayor

Hargeysa (Geeska) Khilaaf u Dhexeeya Maayarka Hargeysa iyo Kuxigeenkiisa oo soo Shaac-baxay markii ay Qoraalo is weydaarsadeen.  Waxa markii u horreysay soo if baxay khilaaf maamul oo u dhexeeya Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo ku xigeenkiisa Khadar Axmed Nuur. Khilaafkan waxa tabiyay Telefishanka MM TV oo helay waraaqo ay iskugu jawaabeen duqa Hargeysa iyo kuxigeenkiisu.  Maayar Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waraaq uu soo saaray 7dii Bishan, wuxuu ku sheegay in dib loogu noqon doono dhul dan guud ah oo uu tilmaamay in aan la marin habraacyadi Golaha degaanka caasimadu ansixiyeen. Waxaanu xusay dhulkaas dib loogu noqon doono. Sidoo kale waxa Maayarku sheegay in aanu ansax ahayn dhul kasta oo aanu saxeexin Maayarka Caasimaddu.

Dhinaca kale Maayar kuxigeenka Hargeysa Khadar Axmed Nuur oo waraq jawaab celin ah u soo qoray ayaa sheegay in dhulkii la bixiyay muddadii Maayarku maqnaa loo raacay heshiiskii u dhexeeyay Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud. Sidaas darteed, wuxuu ku doodày in ay u shaqeyeen hannaan xilkasnimo leh.

Maayar ku xigeenku wuxuu ugu baaqay maayarka inuu ku soo noqdo wax uu ku tilmaamay xayndaabkii sharciga, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in dhul bixintu ay ansax ku noqonayso uun saxeexa Maayarka.

Maayar kuxigeenku wuxuu tilmaamay in sharcigu dhigayo in arrimaha dhulka saxeexoodu ku baxo saxeexa Guddida fulinta Dawladda Hoose oo ka kooban Maayarka, Kuxigeenka iyo Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose.

Sidoo kale MM TV ayaa weriyay in Maayarku uu ka baaqday socdaal shaqo oo uu Shalay ugu ambo-bixi lahaa dalka Holland, taasi oo la rumaysan yahay in baqashadiisa ay sabab u tahay khilaafka soo dhexgalay isaga iyo kuxigeenkiisa oo la sheegay in furdaaminta khilaafkaas ku hawlan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa.