Xildhibaan ka Tirsan Gollaha Degaanka Gabiley Ayaa Sheegay in Ay Baddi Ku Biireen Xisbiga Wadani

0
424

Gabiley (Geeska) Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan golaha degaanka Gabiley ayaa Shalay Warbaahinta ku la hadalay Magaalada gabiley. xildhibaan ka ayaa aad uga hadlay xaalada wadanku ku jiro iyo Arimaha ay ka aaminsanyihiin badi mudanayaasha golaha degaanka gabiley.Xildhibaan cabdi cali xirsi ayaa dhaliilo u soo jeediyey xukuumada Muuse biixi cabdi, wuxuna ugu baaqay in ay doorasho qabato. Wuxu kalo,  tilmaamay in doorashadu tahay waxa kaliya ee xaalada wadanku ku jiro lagaga bixi karo.  Sidoo kale, xidhibaanka ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka ay ku biireen xisbiga Wadani. Arinkan ayaa salka ku hayey, sidu xildhibaanku sheegay ka dib markay ka biyo dideen siyaasada xisbiga kulmiye iyo hogaaminta dalka ee xaalada hadda taaagan. Xildhibaanka ayaa sheegay in 10 ka xildhibaankan xildhibaan ay qaar hore uga tirsanayeen xisbiga kulmiye, laakin ay arkeen in dalku u baahan yahay wax ka duwan xaaladda hadda lagu jiro.  Dhanka kale, xildhibaan Cabdi cali ayaa Bulshada gobolka gabiley u sheegay in aanay gabiley wax gaara ku qaban xukuumadda xisbiga kulmiye, laakin maanta loo baahan yahay in maanta danta qaranka iyo danta Gabileyba la bad-baadiyo. Xildhibaanka oo arinkaas ka hadlayey, waxa hadaladiisi ka mid ahaa;  “ Sida Masuuliyiinta kulmiye had iyo jeer ku dhawaaqayaan, in dagaal lagu jiro oo ninka doorashada ka hadlayaa aanu habeen ba jirin ! waxan leeyahay marka ma boqoro ayaad tihiin oo dalka xoog baad ku haysanaysaan, ilayn cadaaladna laydinkuma hayee? Waxan leeyahay Doorashadu waa xalka kaliya ee maanta Somaliland ay jiri karto, ku waari karto kuna nolaan karto. Qof kasta oo caqli lihi wuxu garanayaa hadii aanay doorasho jirin, in wax dawlad la yidhihaada aanay sii jirayn. Waxad ogaataan ninka doorashada diidan ee hadana nabad doonayaa ayaa ah nin aan habeen jirin. Gabiley nina iskama haysan karo, marka doorasho la qabto ayaana la garan doonaa. Waxan leeyahay inta badan waxa xisbiga kulmiye ku hadlaa maha wax nabadda wax ka taraya, kursigana ku sii hayn karaya. Reer gabiley waxan leeyahay, maanta inagga fartu inagu godan tahay. Boqolkiiba boqol waxaynu u codaynay madaxwaynaha qaranka. Madaxwaynihii qarankana waad aragtaan dhaliilaha xukuumaddis dul Hoganaya. Hadaba, Reer gabilay yaanay noqonin Hashii libaaxu cunay ee subaxii waraabaha lafihii hasha loogu yimi, kuna magac-qaatay”   Ugu Dambayn, xildhibaan cali ayaa Masuuliyiinta gabiley iyo reer gabileyba u soo jeediyey in dadku yihiin dad wax badani ka dhexeyaan, wixi gabiley u wada danana aynu wada ilaashano. Sidoo kale, wuxu ku dardaaray in xisbiyadda iyo siyaasaduna ay noqdaan kuwo ka duulaya danta gabiley.