Khatarta Caafimaad Ee Sonkorta Iyo Qabatinkeeda Oo La Ogaaday In Uu Balwadaha Maandooriyaha La Mid Yahay

0
281

Paris (Geeska)- Xaaladaha caafimaad ee adduunka maanta ka jiraa waxa ay aadamaha bareen muhiimadda ay leedahay in ay si dhow u daraaseeyaan wax kasta oo ay cunayaan. Waxyaabaha ku dhow in adduunka oo dhami dhibtiisa isku raacana waxaa ka mid ah sonkorta.

Amelie B. oo ah haweenay qoraa ah oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay majaladda Sonthi Plus ee Afka Faransiiska ku hadasha waxa ay ka warrantay dhibaatooyinka caafimaad ee ay sonkortu leedahay iyo sida dadku iyaga oo aan dhaadsanayn ay sonkor xad dhaaf ahi jidhkooda u gasho, maadaama oo ay sonkortu ku jirto inta badan ee cuntooyinka la isticmaalo oo ay ka mid yihiin cabbitaannada qasacadaysan, shaglaydhka iyo macmacaanka kale.

Sidee ay sonkortu u waxyeellaysaa jidhka iyo maskaxda aadamaha

Marka aynu cunno cunto sonkor leh, waxa ay markaba la xidhiidhaa dareennada dhadhadamada ee ku xidhan neerfayaasha maskaxda, oo soo daaya hormoonka Dopamine oo sida oo kale ah dareenside kaalmo badan oo muhiim ah ka qaata shaqada maskaxda iyo jidhkaba.

Sida oo kale sonkortu marka ay gaadho dhiigga waxa ay ka shaqaysiisaa unugyada neerfeed Dopamine oo haddii ay jidhka ku bataan dhibaato ku keena habdhisyada shaqo ee maskaxda.

Cilmibaadhiso caafimaad ayaa lagu ogaaday in sonkortu ay maskaxda ku abuurto falgallo neerfeed oo aad ugu eeg kuwa ka dhasha isticmaalka maadooyinka daroogada ah.

Calaamado aad ku garan karto in cunista sonkortu balwad kuu noqotay

Qofku si kasta oo uu u dareensan yahay jacaylka uu u qabo cunista sonkorta haddana waa ay adagtahay in uu fahmo in waxa hayaa uu yahay xanuun balwad ah oo ku qasbaya in uu cuno. Haddaba haddii aad calaamadahan isku aragto waa in aad xaqiiqsataa in sonkor cunistaadu ay balwad tahay.

Baahi joogto ah oo aad macaanka u qabto

Qofka qabatima sonkorta waxa lagu yaqaannaa in marba marka ka dambaysa uu sii kordhiyo xaddiga sonkorta uu cuno. Marka uu gaajo dareemana waxa ugu horreeya ee uu cuno ama cunistiisa ka fikiraa ay tahay cunto sonkor leh.

Hoos u dhaca tamarta qofka

Gulukoostu waa nooc sonkorta ka mid ah oo ku jirta inta badan ee cuntooyinka aynu cunno, waana isha ugu muhiimsan ee uu jidhku ka helo tamarta.

Marka uu qofku sonkor badan cuno waxaa kor u kaca heerka guluukoosta dhiigga la socota, arrintaasina waxa ay keentaa in Ganacu uu soo daayo maadadda Insulinta si uu isugu dayo nidaaminta xaddiga sonkorta badan ah ee dhiigga raacday iyo in uu tamarta badan ee jidhka soo gashay u qaybiyo unugyada kala duwan.

Laakiin dhibaatadu waxa ay tahay in tamarta sonkortu ay si degdeg ah oo kedisa u tirtiranto, taas oo keenaysa in mar keliya si lama filaan ah ay hoos ugu dhacdo tamartii, taas oo sababta in maskaxdu soo dirto ishaarooyin ay ku dalbanayso in sonkor kale jidhka la soo geliyo si tamartu kor ugu kacdo.

Dibbiro iyo caloosha oo weynaata

Sonkor badan oo jidhka gashaa waxa ay hoos u dhigtaa shaqada habdhiska dheefshiidka, waxa aanay yaraysaa dhaqdhaqaaqa midhicirada.  Taas oo keenaysa in cuntadu hore calooshu uga bixi weydo iyo calool istaag caloosha weyneeya. Sida oo kale sonkorta iyo guud ahaan cuntooyinka kaarboohaydarayta lihi waxa ay sababaan neefta caloosha iyo dibbiro badan.

Miisaanka oo kordha

Sonkor badan oo la cunaa waxa uu sababaa miisaanka qofka oo kordha. Haddii aad aragto miisaankaaga oo kordhay waxa ugu horreeya ee aad ka fikirtaa ha noqdo in aad dib u eegto cuntooyinka aad cunto, gaar ahaan in aad ka fogaato isticmaalka sonkorta iyo in aad bilowdo jimicsi aad ku gubto xaddiga sonkorta ah ee jidhkaaga gala.

Hurdo xumo

Dadka cuntada sonkorta badan isticmaalaa waxa ay halis u yihiin hurdo xumo badan. Warbixin caafimaad oo ay faafisay majaladda ‘Advances in Nutrition’  ayaa sheegaysa in nooca hurdo ee uu qofku helayo habeenkii ay aad ugu xidhantahay nooca cunto iyo nidaamka cunto ee uu raaco. Sidaa awgeed qofka cuntada uu cunaa u badan tahay macaan, (Sonkor) ama dufan waxaa hubaal ah in ay la kulmayaan dhibaatooyin dhinaca hurdada ah.

Caafimaad darro maqaarka ah

Cilmibaadhisaha caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in cunista badan ee sonkortu ay dhaawac caafimaad gaadhsiiso maqaarka. Waxaa ka mid ah calaamadaha gabowga ee coodh-coodhku ka mid yahay oo ay maqaarka ku keento, iyo maqaarka oo lumiya awoodda u uu leeyahay iska caabbinta dhibaatooyinka kaga imanaya dibadda, sida dhibaatada cimilada iyo qorraxdu ku keenayaan.

Dabeecadda oo xumaata

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey raadka ay sonkortu ku leedahay caafimaadku waxa ay ina tusayaan in sonkorta iyo guud ahaan cuntooyinka qaniga ku ah Kaarboohaydaraytku ay dhiirrigeliyaan in maskaxdu ay soo saarto dareenwadaha Serotonin oo shaqadiisa ay ka mid tahay in uu qayb ka qaado dareenka farxadda iyo raalli ahaanshaha nafta sidaas awgeedna lagu naanayso hormoonka farxadda.

Cilmibaadhisaha qaar ayaa lagu ogaaday in Khalkhal dhinaca hormoonnada ahi uu ku dhaco dadka sonkorta aad u isticmaala ee gaadha heer aanay ka maarmi karin cuntada sonkortu ku badan tahay iyo macmacaanka.

Sidaa awgeed waxa ay daraasadahani daahfureen in cunista sonkorta badani ay kaalin ka qaadato khakhal iyo is rogrog kedis ah oo ku yimaadda dabeecadda qofka, tusaale ahaan cadho iyo farxad is xiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.