Duur Iyo Maxamuud Xaashi Oo Ku Baaqay In Wax Laga Qabto Colaadda Ceel-Afweyn

0
660

Hargeysa (Geeska)-Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Maxamuud Xaashi Cabdi, oo xilal Wasiirnimana ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo, ayaa ka hadlay dagaalka soo noq-noqday ee labada Beelood ee Ceel-afweyn,  waxayna ku baaqeen in la iska kaashado sidii loo soo af jari lahaa colaadan, waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay awooda saarto oo xil dheeraad ah iska saarto.

Maxamed Nuur Caraale Duur oo ugu horeyn arintan ka hadlay ayaa yidhi“Guusha iska gaadhayaan dhiig, qax iyo burbur aan ahayn la garan maayo, wey inaga hadhi weyday, waxaynu u baahan nahay inaynu sugno maaha, maxaa khaldan waa inaynu is weydiinaa, waxay meeshani u bogsan weyday waa inaynu is weydiinaa, uma baahna inaynu halkan tacsi ka dirno, nabadu awooda ay lahayd Xukuumaddani ma galiso, nabada dhaqaale la galin jiray, gurmad baa loa galin jiray, socod baa la galin jiray, intiina wey maqan tahay, intii Shacabkuna waxaad mooda inay ku eeg tahay labadii fadhi ee hore ee aynu Culimada dirnay inay ku eeg tahay, hawlahaas iyo hawlaha jira waxaan leeyahay siyaasad igama aha ee dareenada jira aynu ku darsano”.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Waan la qabaa saaxibkay Maxamed Nuur Caraale Duur, maanta halkan Somaliland baynu ku fadhinaa, Somaliland dhaqanka aynu ku soo  caano maalnay wuxuu ahaa wada tashi, isku tanaasul, tawfiiq, iyo midnimo xalaadaha adag ah, dayr iskaga keen gudbani ma jirto, halkaas waxaa wada fadhiya Rag siyaasada ku kala aragti duwan, goobo badan muwaaqif kala adag oo kala duwan qaatay, haddana meel kasta weynu iskugu nimaadnaa, taasina waxay muujinaysaa qaan-gaadh iyo korniin umaddeed, waxay muujinaysaa oo ay saasan u tahay inaynu nahay umad koraya, wixii qarankeena ku soo kordha ee dhibaato ah inaynu dhinaca uga soo wada jeedsano weeye oo aan cidna lagu jifeyn, haddii arimo nabadgalyo daro inagu soo kordhaan iyo haddii waxyaabo kale inagu soo kordhaan waa inaynu  dhinac uga soo wada jeedsanaa, arinta halkaas ka socotaa coladaasi waa colaad imika afar sanno madaxa la gashay, ilaax xilli Xukuumaddii Axmed Siillaanyo bilaamatay ayaa maantana jirta, ragga isku dilayaa, waa rag walaalo ah, oo isku deegaan ah, inaynu u gurmano oo colaadaas aynaan dabka ku shidin gaas iyo kabriidna ku qaban oo aynu bakhtiino inteena kale ayaa waajib ah, oo aynu garab galno Dawladda, Dawalddana waxaa laga rabaa oo ku waajib ah inay dadaalkii ay laban-laabto oo ay dardar galiso, coladaasi colaad la aqbali karo maaha, waa colaad guri tira, shay haddii uu dhammaan waayo Somalidu waxay odhan jirtay ama hal baa ku dheeraad ah ama hal baa ka dhiman, waxay u baahan tahay xigmad waxay u baahan tahay xoog, waxay u baahan tahay xaqsoor, waxayu baahan tahay xoolo nabadu, Dawladda waxa waajib ku ah inay arintan gurmad weyn ka muujiso, aqoonta iyo awooda umaddana adeegsato”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here