Khataro Madbakha Ka Jira Iyo Sida Looga Dheeraan Karo (3): Daawashada Badan Ee TV-Gu Waxay Kordhisaa Miisaanka

0
807

Hargeysa (Geeska)- Markii Talefishanka la ikhtiraacay, waxaa la bilowday fahamka ah in dadku ay dhigtaan qolka fadhiga ee inta badanna habeenkii lagu caweeyo, maalintiina la fadhiisto. Halkaas ayaa ay xubnaha qoyska oo dhami isugu soo ururi jireen si ay u daawadaan. Laakiin muddooyinkan dambe waxaa soo baxay in talefishanno la dhigto qolalka hurdada iyo xitaa kijooyinka qaarkood. Waxaa iyaduna kordhay saacadihii la daawanayey talefishanka. Oo tusaale ahaan tirokoob lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa muujiyey in qof kasta oo Maraykan ahi uu daawashada talefishanka ku qaato 4 saac iyo badh maalin kasta.

Waxa ay arrintu sii xumaatay markii talefishanka la keenay qolalka lagu cunteeyo, waxa aanay sababtay in cunista cuntada lagu talax tago, oo maskaxda oo ku mashquulsan daawashadu isku illowdo waxa ay cunayso, waxaa iyaduna dhib kale oo saacadaha badan ee la hor fadhiyo talefishanka sii dheer, xayeysiisyada cuntada ee talefishannada iyo barnaamijyada cunto karinta oo sababa in qofka uu amateedku u sii furmo.

Xalka:

Waa in talefishanka la dhigo meel aan ahayn kijada iyo qolka lagu cunteeyo. Haddii talefishanku uu yaallo qolka cuntada, iska ilaali in aad ku cuntayso dhulka, waayo mar kasta oo aad si nafis ah dhulka u fadhiisato waxaa sii kordhaya cuntada aad cunayso.

Habab kale oo xilliga talefishanka aad daawanayso aad iskaga ilaalin karto cuntada badan:

1. Biyo is ag dhig si aad biyo badan u cabto, halkii aad cunto ama mac-macaan kale ka cuni lahayd.

2. Ku dadaal in aad xanjo calaashato marka aad talefishanka daawanayso si aanad cunto ugu baahan.

3. Meel keliya ha ka fadhiisan qolka aad ku daawato talefishanka, ku dadaal in aad kursiga bed-beddesho iyo in aad mararka qaarkood dhinac u jiifsato, cabbaar.

4.Haddii aad xiisaynayso in aad cunto cunto adiga oo talefishanka daawanayo, ha noqoto bilaydh khudrad ah, sida dabacasaha, khayaarka iwm. Iskana jir shaglaydhka in aad cunto si aanu miisaankaagu u kordhin.