Khataro Madbakha Ka Jira Iyo Sida Looga Dheeraan Karo (2): Khatarta Ka Iman Karta Tallaagada Iyo Sharaabka La Miiro

0
159

Tallaagadda:

Samaynta qaboojiyaha / Tallaagadu waxa ay dunida u horseedday in la kaydsado cuntooyin bisil oo mararka qaarkood ay gaadho in maalmo badan lagu hayo, kadibna la isticmaalo, laakiin nimco waliba nusqaanteed ayaa ay leedahay ee waxaa dhowaan la ogaaday in nidaam xumada ama habayn la’aanta cuntada ku jirta gudaha tallaagada iyo muddada ay cuntadu tallaagada ku jirayso oo bataa waxa ay fursad siisaa bakteeriya iyo maaddooyinka sunta / mariidka ah oo cuntada ku dhex abuurma kuna tarma. Sababtuna waa hawada qabowga ah oo si ay u disho bakteeriyada u baahan in ay wareegto ayaa cidhiidhiga iyo nidaam la’aanta tallaagada gudaheedu keenayaa in ay wareegi weydo, sidaasna ay bakteeriyadu fursad ku hesho.

Xalka

Si loo yareeyo khatarta caafimaad eek a dhalan karta tallaagada waxaa muhiim ah in cuntada qabowgeeda la gaadhsiiyo heer dhagaxoow ah, in cuntada hadhaaga / hambada ah ee tallaagada lagu rido aan cunista la’ la sugin wax ka badan afar maalmood, in qabowga tallaagadu u dhexeeyo 0 illaa 4 digrii, in si nidaamsan oo joogto ah loo nadiifiyo tallaagada, in cuntada barafka noqotay marka tallaagada laga soo saaro ee la doonayo in la kululeeyo si loo kariyo, aan la iska dhigin meel furan, sida qolka dhexdiisa, balse ay tahay in tallaagada lafteeda dib loogu furfurayo iyada oo la gelinayo qaybaha qabowgoodu yar yahay ama qabowga aad looga yaraynayo si barafku uga dhalaalo cuntada, waxa kale oo muhiim ah in si dhaqso ah loo kariyo.

Sharaabka la miiro iyo cudurka macaanka

Waxa ay dad badani qaateen aaminsanaan qaldan oo sheegaysa in nidaam cunto oo sharaabka oo keliya la qaataa uu yahay kan ugu habboon ee lagu ridi karo miisaanka dheeraadka ah, loogana takhalusi karo mariidka jidhka ku jira.

Laakiin cilmibaadhis cusub oo ay dhowaan soo saartay Kuliyadda caafimaadka guud ee jaamacadda Harvard ayaa lagu ogaaday in habka ah in sharaab badan lagu beddelo cuntada si miisaanka loo dhimaa uu sabab u noqday in malaayiin dadka dunida ahi ay qaadaan cudurka macaanka.

Cilmibaadhayaasha natiijadan cusub helay waxa ay sheegeen in heerka sonkorta uu jidhku ka helayo sharaabka miiran ee maraya hab-dhiska dheefshiidka, isaga oo u dhaafaya qaab ka degdeg badan sida ay ku marto khudradda ganka lihi, ay ina tusayso in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya cabbista sharaabka iyo cudurka macaanka.

Khubaradu waxa ay sheegeen in sababtu ay tahay in marka la shiido khudradda, in colories ka ku jiraa ay noqdaan kuwo ka cufan kana adag sidii hore. Waxa kale oo la aaminsan yahay in cabbitaanka sharaabka khudaarta dabiiciga ah laga miiraa uu soo dedejiyo in uu qofku gaajo dareemo, taasina ay qasab ka dhigto in uu cunto dheeraad ah cuno.

Xalka

Ku dadaal in aad iska hubiso khudradda aad cunayso si aad u ogaato heerka sonkorta ay dhiigga ku kordhinayso, ama ku dadaal in aad khudradda aad cunaysaa ay noqoto mid aan la shiidin ee midhaheedii ah. Waayo daraasado hore loo sameeyey ayaa sheegaya in khudradda oo lagu cuno sideeda (Iyada oo aan la shiidin) ay boqolkiiba 7 hoos u dhigto khatarta cudurka macaanka.

Khudradda aad cunayso ha ka reebin diirka khafiifka ah ee u dhexeeya diirka sare iyo khudradda lafteeda, waayo waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in laga helo Faytamiinno iyo macdanno muhiim ah oo tiro badan. Faa’idooyinkeedana waxaa ka mid ah in ay jidhka ka yarayso Kalastaroolka, in ay fududayso shaqada dheefshiidka, in ay caawiso in jidhku ka takhaluso xaydha iyo maaddooyinka kiimikaad ee dhibaatada ku ah jidhka.

Iska jir in aad sharaabka u isticmaasho cunto ahaan, keliya ka dhigo cabbitaan dhammaystir u ah cuntada aad cuntay. Hay’adda cuntada adduunkuna waxa ay ku talinaysaa in qofku uu maalintii cuno illaa 5 waqti oo khudrado kala duwan ah.