Saddexda Xisbi Qaran Oo Ka Hadlay Tirada Dadka Is Diiwaangliyey

0
647

Hargeysa (Geeska)-Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa ka hadlay natiijada hor dhac ah ee ay shalay Komishanka Doorashooyinku ka soo saareen Diiwaangelinta iyo tirada dadka ay ka diiwaangeliyeen lixda Gobol ee Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), Eng Muuse Cabdilaahi Nuur, oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani iyo Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel),oo aanu ugu horeyn wax ka weydiinay aragta Xisbiga Kulmiye ee Natiijada dadka la diiwaangeliyey ayaa yidhi “Komishanka waa looga fadhiyey, waana laga sugaayey inay soo saaraan natiijada Diiwaangelinta cod bixiyayaasha, waana soo dhaweeynaynaa, tirada natiijadan la soo saarayna dabcan waa dadkii iyagu is diiwaangeliyey, markaas waxaana ku xigi doona qaybtii kaadhadhka”.

 Xoghayaha Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo isna aanu weydiinay aragta Xisbiga UCID ee ku waajahan natiiyada ay soo saareen Komishanku ayaa yidhi “Muddo ayaa la sugaayey in la sheego tirada dadka is diiwaangaliyey, ee isku diiwaangeliyey Doorashada, haddii la soo saaray natiijadiina, wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, oo qof walba wixii uu weelka ku shubto ayuu leeyahay, markaas tiradan hadda la sheegay waa tiradii dadkii is diiwaangaliyey, ee lama sheegin cid aan is diiwaangelin, Xisbi ahaana waanu soo dhaweeynaynaa, waxaan se leeyahay madaama hadda  la sheegay tiradii dadkii is diiwaangeliyey, waa in laga sii tabaabushaystaa la iskuna sii diyaariyaa sidii ay Doorashadu u qabsoomi lahayd, wax walba oo qabyo ahna loo sii dhamaystiraa”.

Eng Muuse Cabdilaahi Nuur, oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo isna aanu wax ka weydiinay aragtida Xisbiga Waddani ee natiijada iyo tirada Diiwaangelinta ayaa ku jawaabay “Tirada dadka la diiwaangeliyey, ee ay Guddida Doorashooyinku soo saareen, waa tiro yar, marka loo eego tirada guud ee dadka reer Somaliland, waxaana dhaba oo aynu ka war qabanay  wakhtigii ay Diiwaangelintu socotay in abaari jirtay, oo waliba dadkii is diiwaangelin lahaa ay ka guureen Deegaanadoodii ama Goboladii ay deganayeen, waxa kale oo jira in wakhtigaas diiwaangelintu socotay in dad aan qaan gaadhin in hadda ay qaan gaadheen, markaas iyadoo  Komishanku ay aad ugu mahadsan yihiin inay ku dhawaaqaan natiijada dadka isku diiwaangeliyey Doorashada, haddana in dib loo eego duruufaha jira, oo dadkaas uu wakhtigu u saamixi waayey inay is diiwaangeliyaan, ayaan ku talin lahaa in la diiwaangeliyo, si ay u helaan xaqa ay u leeyihiin inay codeeyaan”.