Khaamana’ii Oo Xaaraantimeeyey Aflagaaddaynta Marwooyinkii Nebi Muxamed (SCW)

0
576

Tehraan (Geeska)- Hoggaamiyaha sare ee kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iiraan Cali Khaamana’ii ayaa xaqiijiyey xaaraantinimada xurmo dilista iyo aflagaadaynta afooyinkii Nebi Muxamed (SCW) oo ay ku jirt hooyadii muuminiinta Caa’isha Bint Abu bakar Saddiiq.

War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey talefishanka Russia Today iyo ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in 11kii bishan aynu ku jirno mar uu wadaadka ugu sarreeya dalka Iiraan la kulmay masuuliyiinta haayad lagu magacaabo Kawthar oo ka shaqaysa maamuuska iyo xurmaynta xaaskii koowaad ee Nebiga (SCW) Khadiija waxa uu wadaadku ku yidhi, “Waxaa waajib ah in aan aflagaaddo iyo xurmo darro lagula kicin xaasaskii Nebiga oo dhammaantood Daahir ahaa. Dhammaan xaasaska Nebigu (SCW) waxa ay mudan yihiin xurmo iyo ixtiraam, qofkii meel kaga dhaca sharafta mid keliya oo ka mid ah, dhammaantood tu’ kasta oo ay tahay, waxa uu ka dhigan yahay sida ruux aflagaadeeyey oo meel kaga dhacay xurmadii nebi Muxammed (SCW).

Warkan ka soo baxay wadaadka ugu sarreeya dawladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa dad badan dareenkooda si gaar ah u soo jiitay gaar ahaan muslimiinta sunniga ah oo ogaa inbadanna wadaadada waaweyn ee Shiicada ka maqlay hadallo deelqaaf ku ah xurmada xaasaskii Nebiga qaar ka mid ah iyo xitaa asxaabtii waaweynayd, gaar ahaan Caa’isha oo ahayd xaaskii uu Nebi Muxamed (SCW) iyo afartii khaliif ee xukunka qabtay nebiga dabadii marka laga reebo Cali oo ay leeyihiin isaga ayaa u mudnaa in uu xilkaas qabto.

Muslimiinta sunniga ahi waxa ay aaminsan yihiin in xaasaskii Nebi Muxammed (SCW) ay dhammaantood xurmo leeyihiin, yihiinna hooyooyinka muuminiinta, sidoo kale Afartii khaliif ee Nebiga dabadii xilka qabtay ay yihiin dhammaantood asxaab nadiif ah oo u kala fadilnaa sida ay xilka ugu kala horeeyeen, mudanna karaamayn iyo xurmo, sidoo kalana ay yihiin dhammaan asxaabtii nebi muxammed (SCW).