Anaa Wax Kaa Dhigay!! W/Q: Abokor Jirde Cabdi

0
674

Korriima san ayuu helay iyo kool-koollin wacan ugu horrayntii noloshiisa. Maalmo suubban ayuu noolaa iyo saacado qurxoon. Toddobaadyo mac-macaan iyo sannado ka sii malabsan. Nolol bilaa hafar ah oo  wer-wer la’aan ah misna sibig tiran dhan wal-na u saafan ayuu Raxiimku ku arsaaqay. Nimcadaa-nna ka kala bad-badatay.

Fadliga ilaahay siiyay ma uu kasin, manuu dhaadin halkan uu ku sugan yahay ee uu joogo cidda gayaysiisay in uu soo gaadho.

Haddaba maalmaha ilaahay isugu toosiyay iyo rayn-raynta uu ku jiro ka sakow waqtiga saaciday isna waxa kadsoomay wax kasta oo laga filanayay docdiisa. Dhawrid kasta oo laga filanayay ayaa dalluun dheer ka shalwatay.

Yarkii lagu rubad go’ay ayaa faraha laga qaad noqday markan. Balwad ayuunna bartay, halkaas-na waakaas ku baaba’aya. Waa dhib kaleeto oo la soo deristay tani isaga iyo dadkii ku soo tabcay-ba soona gaadhay gebi ahaantood.

Waa tabac hagaasay wixii la soo geliyay, Filasho is geddiday, yididiillo guurtay, han jabay iyo wax san dhowriddii oo meesha ka baxday.

Balwaddii ayaa wiilkii la tagtay. Xadka ayay ka saartay, seerihii caadiga ahaanna way la dhaaftay.

Ma shaqaysto inanku oo weligii muu xoogsi tegin, kumana tabaabulshaysan ka gadaal waxbarasho hakintii uu sameeyay. Shaw waa nin ku nimcaystay lacagtii waxbarashada loo siin jiray ee Dukaanka Faasaco loo dhigi jiray. Ku mirqaami jiray oo wadhidiisa ku dhiiban jiray. Ninku waa nin ku nin ah lacagta hooyadii iyo xoogsigeeda. ‘Allalaay waar ninku wanaagsanaa.’ Cajab!

Adduunkii soo dhammaa, la fahan filinkiisa. Bayhoofka oogadiisa ka muuqdaana ku markhaati furay. Alle ayay tiisa tahee lagu garay xeesha. Lacagtii laga haki hujuum-na lagu hirgis, waxba-na loollama hadhin. Markii damiirkiisu noolaa sidii loola hadli jiray ayaa loola hadli jiruun. Ma waxbaa is beddelaya oo wallay ka tahay, wuu ka sii daraa uun. Saaxiibbadii halligay ee baray ayaa maalmihii xigtay sabi jiray kaddib inta biilkii yaraa laga jaray. Maalmuhu soo dhammaa, waqtigu-na isasoo gur. La is arag waayaha qadhaadh iyo nolosha dhabta ah. Runta ayuu waayuhu u sheegay. Ma mid ku joogayaa kaas wallay ka tahay. Meelbuu wax ku bartee ma nin soo haabo-da la baraa, oo boodhka afka soo dar-na loogu daraa. May xaasha’ ha odhan hana ku hadaaqin.

Isa soo xayd-xayd halkii hooyadiinna isku soo qaad. Awel af ka tararaclayn ayay ku joogtay’e maanta way ka dhan tahay dilmada hooyadiibuu u socdaa, si uu qayilkiisa iyo mirqaankiisa u wato. Soo haybsay iyada talo-na ku soo gaadh inuu muquuniyo hooyadii oo lacagta qasab kaga qaado, waliba-na uu rukaaso. Waa go’aan kani illaa xad qadhaadh.

Gacan ayuu ula holladay hooyadii in uu u qaado. Salleelo af ka hadalkii hore. Tukhaan-tukhi. Hore hore-na u tuur. Dhulka ayay si miisaan leh ugu ciirtay. Dam! Ka gundhi kiishkii lacagta. Xaf!

Maanta waa u maalin madow iyada. May suuraysan abidkeed in ay arrin sidan ah la kulmi doonto. Haabka may gashan, cindiga-na kumay hayn. Oohin ayay irkatay misna miciinsatay. Ax! Sidii dhallaan sebi ah uma ooyi karto. Ha filan! Da’ ayay taagan tahay. Ma hooyo macaan ayuu askaxeeda qaaday!

Qufac lad qabo ku ladhan tahay oo si qummaati ah feedhaha uga soo kacay, bal-qan laabteeda ka soo go’ay-na la socdo ayay si taxaddar leh ugu qufacday. Awood ay khaakhada isku soo dhaafiso iskuma oga, afka ayay gacanta gelisay si ay dibadda u soo dhigto alaabtan mutaxan ee feedhaheeda ka soo ambo baxay.

Daal ayay hadda dareemaysaa wayna xiiqsan tahay. Ma hadli karto oo hadal kuma jiro ciil ayay la gubtahan-yoonaysaa. Isma dhaqaajin karto oo awood ay isku dhaqaajisaa ma jirto. Kan solay waa wiilkeedii. Hooyadii ayuu caar-caariyay eedaad-na baday. Waxay la dhaygagsan tahay arrinka way u qaadan la’dahay-na waxan helay ee ku habsaday. Amakaag, af-kala-qaad iyo lama arag ayay ku noqotay. Tanna ma u joogtaa ayay isleedahay. Aah! Inkaar qabe waakan oo kale shaw.

Ilmo kaleeto ayaa rax ka soo tidhi, markaasay xasuusatay dhibkay la soo martay. Xasuus laabteeda ku duugnayd ayay si haleel ah marba mid u miciinsatay. Markaasay tan ku hadaaqday dabadeed-na tidhi: “ Adiga oo caydi ah ayaan caloosha kugu qaaday. Sagaal bilood ayaan kugu siday. Maalinkii aad caloosha gashay toddoba bilood ka dib Aaabbahaa ayaa dunida ka xijaabtay, xaggii loo badnaanna aaday. Qaddar bay ahayd oo lama diidi Karin balse, maalintaas ka dib rafaadkayga aan kula soo maray ayaa ibo furmay. Aabbahaa wax maal ah kaagama uu tegin, Hooyo wacan ayuu se kaaga tegay. Qanaaco ayaannu ku wada joognay iyo jacayl aannu wada kool-koolinno.

Danyar baannu ahayn. Buulkan aad ku hor sugan tahay ayaannanu geli jirnay. Ilaahay galaddiis ayaannu ku noolayn.

Maalinkaad calool gashay waan farxay oon kugu faanay. Fantasiyo ayaan kuu sameeyay bil ka dib calool galkaagana. Intii aan caloosha kugu siday sidaas ayaan kuugu farxsanaa ilaahay-na ugu mahad naqi jiray.

 Maalinkaad dhalanaysay quutal daruurigeenna ayaan ku howlanaa soo idlayntiisa. Fooshu suuqa ayay igu qabsatay. Bacadkii baradhada iyo tamaandhada aan ku iibinayay ayay foosha xunuunkeedu igu hor qabatay. Sahra Galaydh islaanta aannu jaarka nahay ee tamaandhada igu ag iibisa ayaa ilaahay shimbir iiga dhigay. Yadaa gaadhi ii soo kiraysay dhakhtarkana iila roortay. Danyar ayaynnu ahayn oo wax quudkeenna dhaafsiisan maynaan haysan. Umatal Muxammed kaas ayaa Rabbi inoo sakhiray oo kharashkii aan kugu ummulay innaga kaafiday oo bixisay. Dhibkaas waa kii ummushaada isna.

Aniga ayaa isku xil qaamay maalinkaas ka gadaal inaan Hooyo iyo Aabbo dhammays ah kuu noqdo. Ilaahay ballankiis-na way suurowday.

Toddobaad maan wada ummulnayn markaan caloosha dhexda ka xidhay een isku taagay adiga awgaa. Haa, adiga awgaa, sidii aad qayrkaa iyo qayr ku xigahaa aad mase ula ahaan lahayd. Wax kala sarrayn ah-na aanad u dareemin. In aad bilaa Aabbo tahay aanad u soo dhigan meesha oo aanad u niyo jabin. Een u kallahay inaanad dhib dareemin, noloshaada danbe-na aad adigu kaafido. Haddaan ku soo gaadho-na aad aniga wax ii tari lahayd.

Guure ayaan geli jiray oon kallahi jiray. Adigana dhabarka ayaan kugu sidan jiray. Dhib maan dareemi jirin oo adiga ayaan kugu illoobi jiray dhibtaba, kuguna indho doogsan jiray. Bayhoofka aad ku sugan tahay maanta waa kii kaa saari lahaa berri ayaan is odhan jiray. Waad ku hungoobi filashadaadaa maan soo dhigan maalinna, niyaddana abidkay kumaan qaban. Xaasha’. Way samaan ood heli riyadaadaas mooyaane. way is-geddiday se si aannan rejaynay-na way noqotay. Waa adduun iyo caadadiis.

Markii aad caqliga yeelatay dedaalkaygii hore laban-laab ayaan ka yeelay. Waan u hagar baxay bar-baarintaada danbe. Dugsiyada kuwa uugu fiican ee la janto ayaan ku geeyay.kuwo Aabboyaashood nool yihiin nolol aanay ku sugnaan ayaan kuu bineeyay. Allaa og sidaan kuu kaalin geliyay. Laakiin, si kastoy tahay maantu waa maalin habaaran, qayrkay-na aan kaga hadhay. Mid uun se ogsoonow anigaas aad gacanta ii qaadday ayaa wax kaa dhigay. Qofkaygan aad silcisay ayaa; Wax Kaa Dhigtay. Haa, ’Anigaa Wax Kaa Dhigay!!’

Macasalaama.                                                                                                                        

W/Q: Abokor Jirde Cabdi.                                                                                                                 

Email: Abokorjirde@gmail.com                                                                                                                                  

Hargaysa, Somaliland