Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay Inaanu Waxba Kala Socon Qorshe Muddo Kordhin

0
740

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay muddo kordhinta Xukuumadda ee maalmihii ugu dambeeysay soo baxayey, waxaanu sheegay in aanu waxba ka ogeyn, waxaanu tilmaamay in Madaxweynuhuna aan wakhtigan diyaar u ahayn muddo kordhin dambe, diyaarna uu u yahay inay Doorashado wakhtigeedii ku dhacdo dhacdo.

1

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay Xafiiskiisi ugu waramaya Warbaahinta ayaa yidhi “Anigu warkaas idin lama hayo, Madaxweynahana kama hayo, waxaasi waa jaraa’iidkiina, markay timaado waxaad tidhaahdaan waar ka daaya, gacanta naga qabtoo, waar ka daaya, naguma jirto maanta, Madaxweynuhuna ma codsan, rabi taana kuma ogi, marka isagana dambigana aad ku raraysaan  ka daaya,anagana markay wax noo yimadaan ayaanu odhan doonaa wixii la yeelayo, ee aanu ogaano marka hore, Doorashadii waa in la galaa, Madaxweynuhu wuxuu yidhi aniga maalin la I kordhin maayo ee labadii Doorasho wey dhacayaan  ma wax buu ka dambeeysiiyey”