Kaftan Siyaasadeed Dhex Maray Siyaasi Duur Iyo Wasiir Maxamed Kaahin

0
993

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa ku baaqay in loo baahanyahay inay barmaajijyo horumarineed iyo qorshe siyaasadeed la laabtan ergada beelaha Warsengeli ee muddooyinkan dambe socdaalka ku joogay caasimadda Hargeysa.

Madal hadhimo sharaf ah oo shalay Hargeysa ay Beelaha Garxajis ugu sameeyeen odayaashan iyo waxgaradkan Warsengeli, ayaa waxa hadalka siyaasi Duur isna ka jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed. Siyaasi Duur ayaa ugu horayn isagoo xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka daakhiliga la hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan garanayaa ragga isa soo miidhay ee Hargeysa joogaa inay muraad u socdaan, muraadada halkaas yaala kolay waa la kala eegayaa, gudaheena cid wax haysa iyo cid wax tirsanaysa ayay ahaayeen, cidda wax haysaa wax ha bixiso, kii wax tabanayay tabashadiisa dib haloo  dhigo, beelaha sanaag casuumadda iyo quruxdu Hargeysa ayay kaga hadhaysaa waxa raacayaa waa wax ay gurigii kula noqdaan, gurigii markay ku noqdaan la weydiin maayo isaaq ma idin casuumay,waxase la weydiinayaa maxaa idin soo noqday. Maxamed Kaahinoow annagu maanta dib ayaanu u dhigaynaynaa cabitankayagii ee odayashaas maant wax ha raacaan, waxay saldhig u noqonaysaa Somaliland waxay qayb weyn ka tahay dhismaheeda, walaalnimadeena iyo wada jirkeena.”

Maxamed Kaahin

Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka jawaabay hadalka Duur, waxaanu yidhi “Duurna waa kii yidhi waa la idin sugayaa isaguna wuu iska reebay, hadda anigu isagoo wasiirka daakhiliga ah iyo anigoon alifna lahayn oo isaga u shaqaynaya ayaa sanaag wada tagnay, maalintaas markuu hadlo anigu maan lahayn qoladan sanaag bari iyo waxaas ee wuxuu yidhaahdo ayuun baan ku ayidayay, mararkii kalena marar isaga oo dhab libaax ah ayaa jirtay oo markaasna waxba umuu kordhin, maanta qoladan madaxweynuhuna wuu sheegay barnaamij wanaagsan oo hufan oo dhamaystiran ayay la guryo tagayaan noqodkoodana waxa lagu maalgelinayaa mashaariic dhan 500 0000 oo dollar. Waar Duur intaasi ma  na khaarajinaysaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here