Saxaafadda Kenya Oo Soo Bandhigtay Magaca Ergay Ay Kenya Doonayso Inay U Soo Magacowdo Hargeysa

0
999

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska The standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa cadadkiisii khamiistii baahiyay in dawladda Kenya ay ergay gaar ah u soo magacaabayso xafiis ay doonayso inay ka furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wargeyska oo soo bandhigay magacyada safiiro kala duwan oo ay Kenya qorshaysay inay dunida u kala dirto, ayaa waxa sida uu wargeysku sheegay ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma, qorshaysay in danjire Githiora Philip Mundia uu noqdo ergayga Kenya oo uu xafiis ay Kenya leedahay ka sameeyo caasimadda Somaliland.

Wargeysku, wuxuu sheegay in qorshahani u muuqdo mid ay Kenya ku doonayso inay ku aqoonsato qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Danjire Philip ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, waxaanu hore u ahaa qunsulka safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada Moosko ee dalka Ruushka.

Wargeysku wuxuu sheegay in isbedelka iyo magacaabista ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ku samaysay safiirada dalkeeda u jooga dunida dhawaan si rasmi ah loo shaacin doono.

Dawladda Kenya ayaa dhawr goor oo kala duwan waxay sheegtay inay xafiis ka furanayso caasimadda Somaliland ee Kenya, laakiin doorkan waxay saxaafadda Kenya soo bandhigtay magaca ergayga ay Kenya doonayso inay u soo dirto caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here