Ka Qaybgalka Hawlaha Tabaruca Ahi Waxa Ay Wanaajisaa Caafimaadka Maskaxda, Laakiin Waa Marka Da’da 40 Sano Jirka Uu Qofku Ka Weyn Yahay

0
525

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in hawlaha samofalka ee tabaruca ahi ay faa’ido caafimaad u leeyihiin maskaxda laakiin aanu qofku dareemin illaa Afarta sano ay ka soo wareegaan marka uu hawshaas ka qayb qaatay. Fayizah Tabsim oo ka tirsan maxadka cilmibaadhista ee jaamaadda Southampton ee dalka Ingiriiska isla markaana madax u ahayd kooxda cilmibaadhistan samaysay ayaa iyada oo faahfaahinaysa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxaa la isku waafaqsan yahay, in ka qaybgalka hawlaha tabaruca ahi ay u fiican yihiin qof kasta, iyada oo aan la eegayn da’diisa” Laakiin Fayizah oo la hadlaysay qaybta caafimaadka ee wakaaladda wararka Reuters waxa ay intaas ku sii dartay, in intaa la isku waafaqsan yahay waxa dheer ee ay cilmibaadhistoodani ogaatay ay tahay in ka qaybgalka hawlaha tabaruca ahi ay mar dambe oo da’da qofka ah raad togan oo caafimaad u leedahay askaxda. Waxa aanay caddaysay in natiijadan u soo baxday ay dhiirrigelinayso in xukuumaduhu ay tahay inay dadka da’da ah ku daraan hawlaha tabaruca ah, taas oo u suurtogelin doonta in qofku uu helo shaqo uu kaga mashquulo dhex fadhiga goobaha daryeelka dadka waayeelka ah, isla markaana nafsaddiisu wanaagsanaato.