Ka Fogoow Caadooyinka Ay Kuwa Guuldarraystaa Caanka Ku Yihiin

0
1243

Hargeysa (Geeska) Guushu waa himilada qof kasta oo innaga mid ahi habeen iyo dharaarba ka fikiro sidii uu u gaadhi lahaa. Waana sababta ay qiimaha gaarka ah u sameeyaan qisaska iyo sheekooyinka ka warramaya kuwo guulaystay ama guuldarraystay. Waa se arrin sax ah in aynu eegno dabeecadaha iyo habdhqamada dadka guulaysata iyo kuwa guuldarraysta, si kuwa hore aynu ugu dayanno kuwa dambana uga dheeraanno.

Maqaal uu dhowaan qoraaga Darius Foroux ku baahiyey shabakadda Forge ee dalka Maraykanka ayaa uu kaga warramay waayo-aragnimada uga korodhay kulan uu la qaatay nin uu sheegay in uu guulaystay oo aad uga yaabiyey. Waxa uu sheegay in uu ahaa nin mar kasta iska faraxsan hayntiisa dhaqaalana fiican tahay.

Waxa uu sheegay in ninkani uu ka soo gudbay murugo iyo duruufo adag oo soo waajahay xaaskiisa oo geeriyootay awgeed. Waxa aanu ku guulaystay in uu mar kasta bulshada u muujiyo farxad iyo in waayaha uu ku jiraa anaay saamayn taban ku yeelan xidhiidhka uu la leeyahay.

Waxa uu ninkani qoraaga u sheegay in waxa ugu weyn ee uu ku fikiraa uu yahay in aanay duruufahaas adag ee uu marayaa sabab u noqon in uu fashilmo, si uu guuldarradaas uga dheeraadana inta uu fadhiistay ayaa uu ka fikiray sababaha qofka guuldarro u soo jiidi kara, kaddibna inta uu qodobbeeyey ayaa uu ku dhaqmay sidii uu isaga ilaalin lahaa ku dhicistooda.

Qoraaga waxaa xiise gaar ah siiyey hannaanka uu ninkani maray ee ah in aanu isku mashquulin soo ururinta dabeecadaha iyo caadooyinka ay dadka guulaystaa falaan ee loo malaynayo in ay guushooda sababeen. Waxa uu aaminsanaa in taasi ay keenayso uun dhiirrigelin uu qofku isu arko in caadooyinkaas uu qaar leeyahay iyo in uu samayn karo.

Waxa uu ninkani ka eegay dhinaca guuldarrada, isaga oo is weydiiyey caadooyinka qofka ku keeni kara guuldarro. La aaminsan yahay in ay dad guuldarro u horseedeen. Waxa aanu ka soo ururiyey qodobbadan.

Maskax maahsan

Waa muhiim in qofku maskaxdiisa ku tababaro in ay mar kasta dareensanaato halka ay joogto, sababta ay u joogto, mawduuca hor yaalla, iyo dadka uu la joogo. Waxa kale oo iyaduna qasab ku ah in uu mar kasta xasuusto shaqada u taalla iyo waqtiga uu haysto, si uu nafta ugu kallifo in ay waqtigeeda ku dhammaysato.

In maskaxdu dhoofsanaato, qofkuna u shaqeeyo uun hadba sida uu hawshaas u dhammeeyaa waa bilowga in qofku uu la socon waayo waxa ku xeeran iyo in uu hawlaha u yaalla ee ay tahay in uu dhammeeyo iyo waqtigiisa is waafajin waayo, waxa aanay ku dhammaataa in qofku uu ugu dambaynta ku guuldarraysto gaadhista yoolkii uu u socday.

Saaxiibbada xun

Dadka kugu xeerani waxa ay saamayn weyn oo fiican ama xun ku leeyihiin aragtiyahaaga iyo dadaalka aad guusha ku gaadhayso. Sidaa awgeed mar kasta oo aad leedahay yool aad rabto in aad gaadho, ku dadaal in dadka kugu xeerani ay noqdaan kuwa kugu dhiirrigelinaya gaadhistiisa. Haddii se aad fashilaad rabto, iskala joog dadka fadhiga guusha ku gaadha, ee ammaanta bulshada u qaata in ay gaadheen halkii ay u socdeen.

Ka fikirka arrimaha taban

Qoraagu ninkii ay xaaskiisu dhimatay ee uu la kulmay waxa uu ka bartay in guushu ay ku jirto, qofka aan naftiisa maxbuus uga dhigin xusuusaha dhibaato iyo murugo dhacday oo aanu waxba ka qaban karin. Waa in qofku aanu waqti badan ku lumin in uu ka warramo murugadiisa, balse uu ka sheekeeyo farxadda iyo aragtiyaha ku hagi kara in uu ku dhawaado bartilmaameedka nolosha ee uu lahaa. Haddii maanta ay kuu ahayd maalin murugo iyo naxdin ama cabsi badan, waxaa waajib ah in aynaan nicin wax kasta oo maalintan ku jira, oo aynaan gaadhin in dhacdadaas murugada badan awgeed aynu maalinta oo dhan u aqoonsanno maalin madow ama murugo.

Waxa aad ogaataa in maalin kasta ay dhacdooyin innaga cadhaysiiya, innaga murugaysiiya ama inna cabsi geliyaa ay dhacaan, haddii waqtigeenna ugu badan aynu gelinno ka fikirka dhacdadaas, sida ay ku timi, sababta aynu wax uga qaban kari weynay, xanuunka dhaawaca ay inna gaadhsiisay, waxaa hubaal ah in nolosheenna oo dhami ay noqonayso murugo.

Kuf kaddibna inta aad boodhka iska tunto, waqti yar dib u eeg sababta aad u kuftay iyo waqtiga intii aad jiiftay kaaga lumay, kaddibna dersi ka dhigo oo hore u sii soco, wixii dambana ka dheeroow sababtii kufista hore keentay.

Hadal wadkii galay

In shaqada aad ka sheekayso uun, waxaa ka fiican in aad ka hawlgasho dhammaystirkeeda. Malgashadaha Maraykanka ah ee Derek Sivers ayaa mar uu arrintan oo kale ka hadlayey waxa uu ku taliyey in qofku uu laabtiisa ku haysto ujeedooyinka iyo hiigsiga uu leeyahay. Waxa aanu ku sababeeyey xaqiiqada ah in qorsheyaashaada iyo istaraatijadda aad u marayso oo aad sheegtaa ay xakame ku noqonayaan wax soo saarkaaga, dhaawacna ku keenayaa hal-adaygii ay ahayd in aad u yeelato ka hawlgelista hawshaas.

Qorshahaaga fiican oo ammaan dadka ka mutaystaana waxa uu si fudud maskaxda u gelinayaa dareen ah in aanay uba baahnayn in ay hawshii ku dhaqaaqdo maadaama oo ay intaas ku heshay magac iyo ammaan.

Cagajiidku waa cudurka guusha dila

Hawl kasta oo aad waqti u helayso qabashadeeda dib ha u dhigan. Ha ka fikirin in maanta waqtiga aad haystaa kooban yahay laakiin berri aad waqti badan haysato, sidaa awgeed hawshaas berri u dhigato, waayo taasi waa caadada guuldarraystayaasha. Imisa hawlood oo ay berri firaaqo ay leeyihiin awgeed dib ugu dhigeen ayaa sidaas ku baaqday kaddib markii nooca firaaqo ee ay ka fikirayaanba soo mari weyday.

Hawl 2 saac u baahan, haddii ay kuu taallo, laakiin aad soddon daqiiqo oo firaaqo ah hayso, fadhiiso oo horta soddonkaas waxa aad hawsha ka qaban karto ka sii bilow. Waa laga yaabaa in afar maalmood oo min soddon daqiiqo ah in aad ku dhammaysaa ay kaba degdeg badato inta maalmood ee aad sugayso laba saac oo is xiga oo aad firaaqo u hayso hawshaas.

Talada iyo aragtida dadka

Xanuunnada waaweyn ee dadka ku dhaca waxaa ka mid ah isla qummanaanta, in uu qofku u qaato in cid wax badan ku kordhin kartaa aanay jirin, kaddibna aanu xiisayn dhegeysiga talada iyo tusaalaha dadka uga imanaya.

Imisaa xikmad la’ lahaa laga helay afka ruux aan lagaba filayn. Imisaa hadal si sibiq ah uu qofku ku helay, uu horseeday in uu wax weyn ka beddelo masiirkii noloshiisa kuna hago tubtii saxda ahayd ee guusha uu ku gaadhayey.

Xidhiidhka aad dadka la leedahay ha jarin, hadalkoodana dhugmo u yeelo. Mar kasta oo ay kuu suuragasho ha dayicin in aad la kulanto dadka aqoonta, waayo-aragnimada, xikmadda iyo garaadka leh iyo xitaa dadka aad ogtahay in niyad wanaag badani ku jiro, xitaa haddii aanad xikmad badan ka filayn. La soco…

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here