Xasanaw xoolodhaqasho iyo markaad xilli ka weynaatid
Saw dharaaro tegay xasuustood dib uma soo gocatid
Maxamed Siciid Gees – Hargeysa
Qeybtii 7aad
Aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta iyo Isu-dubariddida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadadii (1997 – 1999), ayaa arooryo si lama filaan ah Madaxweyne Cigaal iigu yeedhay oo yidhi “Geesow bal galabta ii keen wixii Odayaal Warsangli ee magaalada jooga aan la sheekaystee.” Galabtii ayaan ilaa toban Oday oo kuwii ganacsada ahaan jiray oo hadda magaalada iska joogaa oo aan wax hayn, ayaan ugu keenay madaxtooyada oo fadhi loogu diyaariyey. Halkii ayaa Berbera iyo waayo laga sheekaystay. Waxa ku jiray rag garanaayay Xaaji Ibraahim Cigaal oo la ganacsan jiray, waa (Ina Xaadhxaadhato) Madaxweynaha Aabbihii.
Cigaal ayaa sheekayey oo yidhi; “Waxa war ii keenay wardoonka oo yidhi nin Hawiye ah ayaa bakhaar ka furtay magaaladan Hargeysa, ninkaasi oo iibsadaa hubka. Qolada warka ii keentay waxa ay u arkayeen in ay arrin dhiilo ah tahay.” Aniguse waxa aan ku idhi; ‘Waa war yididiilo leh.’
“Hawiye maahe waxan jeclaan lahaa in Hindi iyo Carabiba ay meherado ka furato Hargeysa, taas oo yididiilo u ah nabadda dalku gaadhay. Dhinaca iibsashada hubka waxan ka idhi waar ka iibsha ka dawladana, qorigii innaga tagaaba, waa nabad inoo soo korodhay.”
Kaaf iyo kala dheeri aragtidaas iyo madaxa Soomaaliya ee meel walba u tegay cunqabtaynta hubka ha nagala qaado ee hubka cusub raadsanaysa.
Waxa culumada cilmi naftu (Psychologists) xaqiijiyeen, in haddii qorigu kaa ag dhaw yahay isticmaalkiisuna uu fudud yahay. Waxay si farshaxanleh u sheegeen, farta ayaa keebka jiidda marka la ridayo qoriga hadda keebkuna farta waa uu soo jiitaa markiisa oo qorigu wuu isridaa.
Haddaba, beryahan dambe wax magaalada ku soo badanaya dilal toogasho ah, tolaw ma qorigii ayaa dib la inoo ku soo celiyey. Waxa aan xusuustaa anaga oo ergo ah markii sannadkii 1993 aan tegnay magaaladii Ceerigaabo oo Beelihii Hartigu ka maqan yihiin, ayaanu aragnay raggii oo budh wada sita. Markii aan weydiinay qoladii Muusa Ismaaciil (Habar/Yoonis) sababta ku kaliftay qaadashada waxan oo budh ah oo weliba ay jiraan dukaamo lagu iibiyo budhaadhku .Waxay noogu jawaabeen; “Markii aanu ku kelyaaysanay magaaladii qorigii waxa uu nagu noqday dhibaato. Labadii isqabtaaba kaw, xabad ayaa la isku dhiftay. Dilkii ayaa batay, waxa aan doorbidnay in la is-budheeyo oo an la istoogaan oo qorigii ayaan iska fogeynay. Sidaas ayaa budhadhku u bateen oo hadda waa is-budhaynaa!!” Arrin macquul ah ayey u ekaatay oo Cilmiga Psychology-ga la socota..
Haddii aan ku soo noqono fadhigii Marxuun Cigaal iyo Odayaashi Warsangeli. Waxa dhacday in Oday ka mid ahaa Odayaashu uu Madaxweyne Cigaal u sheegay inuu Hargeysa ku lahaa Warshad Saabuuunta samaysa. “Warshaddii burburkii ayey raacday oo waa la fadhataystay. Gidaaradii ayuunbaa ka hadhay, haseyeeshee meeshii cidbaa haysataa. Maxkamadihii oo dhammi aniga ayey ii xukumeen oo waraaqihii haysta,” ayuu yidhi Odaygii Cigaal. Isla markaas ayuu fayl Marxuun Cigaal u dhiibay. Cigaal faylkii ayuu aad u akhriyey, dabadeed waxa uu yidhi; “Dee arrintani waa dhan tahay ee maxaa jir?”
Odaygii waxa uu yidhi; “Waa dhan tahay, waxa dhiman fulintii, markii aan u tegay Taliyihii Qaybta Booliska ee lahaa inuu fuliyo go’anka Maxkamada, waxa uu igu yidhi nin reer Sheekh Isaxaaq ciidan ku saarimaayo.”
Cigaal intuu cadhooday ayuu ku dhawaaqay “Aabbahaa iyo reer Sheekh Isaxaaq wa…. waar ma ku caddaynaysaa?” Odaygii waa iska aamusay sarkaalkaas oo xidid ila ahaa darteed. Madaxweyne Cigaal talefoon ayuu qabsaday oo amar bixiyey odhanaya afar iyo labaatan saacadood gudahood waa in la fuliyaa go’anka Maxkamadda, saacad saacadna ha la iila socodsiiyo halka xaal marayo. Aroortii markii meeshii ciidan xoogan oo cagafcagfyo wata la geeyey, qoladii haysatay ergo soo dirtay oo tidhi si nabadgelyo ah ayaan ugu guuraynaa. Sidaas ayaa Odaygii dhulkii ku helay oo mar dambe lacag badan kaga iibiyey Dahabbshiil. Arrimahaas iyo qaar kale oo la mid ah ayaa keenay kalsoonida ay Somaliland ku hanaqaaday.
Fiiro gaar ah, qeybo ka mid ah warbaahintu waxay dorraad daabaceen qoraal la ii nisbaynayo oo aanan anigu qorin, balse la iga been-abuuray inaan ka hadlay Shirka Sacad Muuse ee Agabar, waxaan leeyahay shaqo kuma lehi, Xaafadi waxay xaafad ugu wareegtaa waa xasarad.
Comments are closed.