Jimcsiyo Wejiga Ku Habboon Oo Calaamadaha Gabowga Dib Dhiga

26
3229

London (Geeska)- Cilmibaadhiso cusub ayaa muujisay in jimicsiyo fudud oo wejiga u gaar ah oo 30 daqiiqo maalin kasta la sameeyaa ay muddo bilo yar gudahood ah ku keenayaan in muuqaalkii iyo gigsanaantii dhalinyaronimo ku soo noqdana. Jimcsiyadan oo lagaga maarmayo kiriimada Afartan jirka kadib la isticmaalo ee wejiga coodhcoodhka ka dhowra ayaa qaarkood laga yaabaa in qofku marka uu samaynayo ay dadka kale u arkaan calaamad muujinaysa in aanu qofku caadi ahayn, waxa se ay khubaradu caddeeyeen in ay dardar geliyaan wareegga dhiigga oo gaadha dhammaan lakabyada saddexda ah ee maqaarka, sidaasna ay unugyadu ku helaan ogsajiinta iyo nafaqada kale.

Cilmibaadheyaal ka tirsan jaamacadda North Western ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in farsamadan jimicsi ay sida oo kale xoojiso hormoonno muhiim u ah soo celinta jileeca, xoogga iyo dhalaalka.

Haddaba jimicsiyadan ayaa waxaa ka mid ah, waxa lagu magacaabo ‘Kor u qaadista dhabanka’ .. Afka oo si kooban loo furo, dibnaha uun la kala furo, kadibna la isku dayo in inta la ururiyo hore loo soo taago. Faraha oo lagu duugo kor iyo hoosna loogu dhaqaajiyo muruqyada dhabanka.

Jimcsiyada kale ee muruqyada wejiga giijiya waxaa ka mid ah, qofka oo dibnihiisa u fura qaabka dhoolla caddaynta iyaga oo aan ilkuhu muuqan, kadibna isku soo celiya, cabbaarna ku celceliya, dibnaha oo inta la isu keeno oo la kuuso hore loo soo taago, kadibna faraha inta hareeraha laga mariyo hadba dhan loo dhaqaajiyo, gaar ahaan kor iyo hoos muddo 20 ilbidhiqsi ah. Jimicsigan u dambeeya ayaa ka mid ah jimicsiyada sida gaarka ah faa’iidada ugu leh wejiga, waxa aanu si muuqata u giijiyaa dhabannada.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in muruqyada badan ee wejiga awgeed, haddii jimicsiyada ku habboon lo osameeyo uu noqonayo mid giijisay, oo aanu coodhcoodhku ku dhicin, isla markaana muuqaal ahaan dhalinyaronimo ka muuqato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here