Jiirka Guryaha Ku Nool Oo La Ogaaday In Laga Qaadi Karo Beer Xanuunka (Jooniska) Nooca ‘Hepatitis E’ Loo Yaqaan

49
3324

Beijing (Geeska)- Dalka Shiinaha ayaa laga diiwaangeliyey xaaladdii ugu horreeyey ee ah xanuun uu jiirku u gudbiyey aadamaha. Shaybaadh xeeldheer oo lagu sameeyey nin ka cabanaya xanuun beerka ah ayaa lagu ogaaday in uu qabo jooniska noociisa loo yaqaanno ‘Hepatitis E’ oo ah xanuun u gaar ahaa jiirka oo aan hore loogu arki jirin aadamaha.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Hong Kong, ayaa caddaysay in si cilmiya loo xaqiiqsaday in jiirku uu Jooniska E u gudbin karo dadka. Shaybaadh lagu sameeyey nin 56 sano jir ah, ayaa shaybaadhadiisu ay caddeeyeen in uu qabo xanuun Khalkhal geliyey shaqada beerka oo ugu dambayntiina sababay in uu shaqada joojiyo.

Dhakhaatiirta oo baadhay xaaladdan ayaa ogaaday in uu ninkani qabay jooniska noociisa ‘E’ oo jiirka u gaar ah. Markii ay sababta raadiyeenna waxa ay sheegeen in ninkani uu cunay cunto ay ku dhex daatay saalo ama digo jiir xanuunkan qabay oo dhex galay.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Sky News ayaa intaas ku Daraya in ninkan xaaladdiisu ay hadda u muuqato in ay ka soo raynayso, kaddib markii la siiyey dawooyin xanuunkan lagula tacaalo.

Jooniska Noociisa ‘Hepatitis E’ inkasta oo uu jiirka u gaar yahay, haddana dadka waa uu ku soo gudbaa, tirakoobyadii u dambeeyey ee ka soo baxay hay’adda caafimaadka adduunkuna waxa ay sheegayaan in sannad kasta oo xanuunkani ku dhaco dad lagu qiyaaso 20 milyan oo dunida oo dhan ah. Inta badan waxa uu Fayraskani ku fidaa biyaha cabbitaanka ah ee wasakhaysan. Calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah xummad, matag iyo midabka qofka oo huruud isu beddela. Marmarka qaarkoodna waxa uu keenaa in beerku shaqada joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here