Faysal Cali Waraabe Oo Ka Dayriyay Xaalada Wadanka, Kuna Baaqay Wada Tashi

30
3292

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dayriyay xaaladda Somaliland iyo waxyaabaha u qabsoomay 27kii sannadood ee ay jirtay.

Md. Faysal oo shalay khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda Golis oo qalin jabisay, wuxuu sheegay in dhallinyarada dalka ee wax baratay ay shaqo la’aan baahsani haysato, taas oo ka mid ah baylahda dalka ka jirta. “Baylahdaas ina haysataa lixdankii ayay inagu bilaabantay, maalintii aynu qaranimadeena iska wareejinay ee aynu diidnay in Somaliland badhasaab London ka yimaadaa uu xukumo ee aynu xorriyadeena qaadnay ee aynu gaynay Xamar oo Talyaani u dhiibnay.” Ayuu yidhi Faysal oo intaas raaciyay in shanti Soomaaliyeed ay maanta ugu liidato Somaliland.

Isagoo ka hadlaya xanaftii doorashada ee aan weli la xalin wuxuu yidhi “11 bilood ayaa ka soo wareegtay doorashadii, maxaynu joognaa, waxaynu maraynaa, inagoo dalkeenii reer inagu haysto oo Sool iyo Sanaag leh annagaa leh, dagaal bilaa macno leh oo tuko raq, inagoo jabhado isu samaysanay, inagoo gacan libaax fadhiisanay, umadu waa inay xisaabtantaa, maaha inay qayisho ee waa inay xisaabtantaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “1991 ilaa maanta weli maynu xisaabtamin oo maynu odhan maxaa inoo wanaagsan maxaase inaga xumaaday, haddaba waxaad ogaataan in la inagu hareeraysanayahay oo dawladda Xamar ka shaqaynayso inay ina wiiqdo oo dibadii oo dhan doonaya inuu inagu  soo xidho, wax hay’ad dawladeed oo meesha k socdaa ma jiro, hurdo dheer ayaynu galnay, sidan umaddan lagu wadi maayo, marbaa lixdankii la baylihiyay maanta la baylihin maayo talo ayaa la isugu noqonayaa waa in la xisaabtamaa, ninka qoriga sita Muuse Biixi la dagaalami maayo ee idinka iyo aniga ayuu ila dagaalamayaa, Muuse waa shakhsi wuu tagi doonaa laakiin ma ogolaanayno in shisheeya la isu soo raaco.”

Wuxuu sheegay in Somaliland ku socoto jid khaldan waxaanu Faysal yidhi “Waddo khaldan ayaan maraynaa, nafteenana been baan u sheegaynaa, nimco ayaa fadhida, nimcadii hala soo saaro, waxaanu hadda wiig ka shaqaynaynay inaanu nafta ku soo celino haya’daha, guurti waa dhacay wakhtigoodii, baarlamaankii ma shaqaynayo, dawladihii hoose way dhaceen,asxaabtu ma shaqaynayso dawladii way seexatay. Waxaanu is nidhi bal ku soo celiya inay saddexda xisbi madaxweynaha la fadhiistaan, waxaanu hadda muddo isku haysanaa waar komishanka 7 halaga dhigo iyo 9 halaga dhigo, ma dadkeena 2 qof ku heshiin waayay ayaa amuuraha ina horjooga xalin kara.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here