Jeedal Iyo Xasharaad La Cunsiiyaa Waa Ciqaabta La Mariyo Shaqaalaha Shirkadaha Shiinaha Ee Shaqadooda La Saluugo

27
4122

Beijing (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey warbaahinta dunida iyo  baraha bulshadu ku xidhiidho aad loogu hadal hayey muuqaal fiidyow ah oo laga daawaday shaqaale Shiine ah oo shirkadda ay u shaqeeyaan dadka la shaqeeya hortooda ku ciqaabayso, kaddib markii ay ku fashilmeen in ay iibiyaan qaddarkii badeecado ahaa ee laga rabay in ay suuqa geliyaan. Shaqaalahan ayaa jeedal lala dhacayaa, sida oo kalana waxaa lagu qasbayaa in ay cabbaan kaadi iyo in ay cunaan xasharaad.

Fiidyowga waxaa ka muuqanaya qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkad ka shaqaysa qurxinta guryaha oo ku taalla degmada Guizhou ee dalka Shiinaha. Kuwaas oo ciqaabaya qaar ka mid ah shaqaalahooda.

Fiidyowgan cadhada badan dhaliyey kaddib ayaa ay shirkaddu ku dhawaaqday in ay bilaabayso baadhis rasmi ah oo ay arrintan ku ogaanayso. Dhianca kalana dawladda ayaa xabsiga u taxaabtay saddex ka mid ah masuuliyiitna shirkadda ee Fiidyowga laga daawaday, iyada oo laba ka mid ah xabsi baadhiseed oo toban maalmood ah loo diray, halka midka saddexaadna isaga oo dibad joog ah ay baadhistu ku socon doonto.

Noocyada ciqaabta foolxumada iyo dullaynta ah ee ay shirkaddani raacday waxaa ka mid ah in ay masuuliyiinta meel bannaan ah oo shaqaalaha kale oo dhami arkayaan, ay jeedal kula dhacaan shaqaalaha gefka gala ama shaqada loo calaamadiyey ka soo bixi waaya. Waxa kale oo ay masuuliyiintani shaqaalahan mid kasta oo ka mid ah qasab kaga dhigaan in uu cuno saddex xabbo oo baran baro ah, taas oo ah ciqaabta hawlgal kasta oo iibin ah oo ay gaadhsiin waayaan intii laga rabay.

Warkan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Sky News waxa uu intaas ku darayaa in fiidyowgan laga arkay shaqaalahan oo la cabsiinayo dareere kaadi u eeg, lana arkayo in ay sanka is qabanayaan marka ay cabbayaan.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo isaguna arrintan wax ka qoray ayaa sheegay in shaqaalahan lagu qasbo in timaha iska dhukuraan, halka shaqaalaha qaarna lagu qasbo in ay dhex gurgurtaan shirkadda si shaqaalaha kale oo dhami ay u arkaan.

Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo isagana mar ciqaabtan oo kale la mariyey ayaa shabakadda Pear Video u sheegay in dhibaatada shirkaddani aanay intaas ku ekeyn ee sida oo kale ay mushaharka shaqaalaha si aad ah ula raagto, illaa ay mararka qaarkood is gaadhsiiso laba bilood.

Fiidyowgan oo cadho badan abuuray ayaa la sheegay in ay saacadihii u horreeyey faafintiisaba ay tirada dadka daawaday gaadhay 30 Milyan oo ruux. Waxa aana warbaahinta bulshada lagu faafiyey faallooyin iyo hadallo si aad ah loogu dhaleecaynayo shirkadda.

Filimkan cadhada badan dhaliyey ee muujinaya sida bahdilaadda ah ee ay shirkadaha Shiinuhu u ciqaabaan shaqaalaha ay shaqadooda saluugaan, ciddii xiisaynaysaa waxa ay daawashadiisa ka raaci kartaa Link qoraalkan la socda: https://www.dailymail.co.uk/news/article-4012956/Public-humiliations-Chinese-workplaces-live-worms-crawling-people.html#v-9152952297380071693

In tirada dadka Shiinaah oo dunida ugu badani ay sababto in shaqo la’aantu ay badato, taasina ay keento in dadku aanay si dhayal ay shaqooyinka ay helaan uga tegin, xitaa haddii ay xadgudub iyo bahdilaaddan oo kale kala kulmaan masuuliyiinta shirkadaha ay u shaqaynayaan. Sida oo kale shirkadaha iyo dadka loo shaqeeyo oo og in aanay marnaba waayeyn shaqaale tayo iyo aqoon leh Ayaan dan ka gelin dhowrista xuquuqda iyo sharafta bani’aadamnimo ee shaqaalahooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here