Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Oo Laasacaanood Ku Qabtay Diiwaangalinta Mihnadlayaasha

16
2994

Lasacaanood(Geeska)-Komishanka mihnadlayaasha caafimaadka ee Somaliland (NHPC) ayaa tabobar ugu qabtay magaalada Laasacanood mihnadlayaasha caafimaadka ee gobalka Sool.

Komishanku waxa uu shaaciyay inay tabobar la xidhiidha mihnada caafimaadka, ilaalinta tayada iyo diiwaangalinta goobaha caafimaadka iyo shaqsiyaadka caafimaadka siinayaan muddo laba maalmood ah muhnadlayaasha caafimaakda ee dawliga ah iyo laba maalmood oo kale oo la siin doono mihnadlayaasha caafimaadka ee gaarka ah.

Guddoomiyaha komshanka mihnadlayaasha caafimaadka Dr.Axmed Xaashi Oday ayaa shaaciyay inay doonayaan in ay is diiwaangaliyaan mihnadlayaasha caafimaadka ee gobalka Sool, wax uu sida oo kale ka waramay muhiimada ay leedahay inay shaqada caafimaadka inoo qabtaan dad xirfadooda leh iyo in laga ilaaliyo ajaanibka dalka ku soo galaaya sifada aan sharciga ahayn ee sheegta inay caafimaadka ka shaqaynayaan, waxa uu dadka ka codsaday inay isdiiwaangaliyaan sida oo kale ay ka faa’idaystaan tababorkan.

Maayarka Laasacaanood Cabdicasiis Xuseen Maxamed ayaa dhankiisa kulankaas ku tilmaamay mid farxad weyn u ah “Maanta farxad weyn ayay noo tahay waxaanu u mahadnaqaynaa ururka mihnadlayaasha caafimaadka oo uu maraayo guddoomiyahoodii Dr.oday, waanu ugu hanbalyaynaynaa inay Laasacaanood soo gaadhaan, caafimaadkuna waa muhiim.”

Wasiirka biyaha Saleban Cali Koore ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay in caafimaadka uu u baahan yahay aqoon iyo akhlaaq“Caafimaadku akhlaaq gaar ah ayuu leeyahay qof aadamaha ah ee shaqada caafimaadka qabta waxa laysku raacsan yahay had iyo jeer inuu noqdo qof dhawrsoon oo edeb badan oo siraha bukaanka qof ilaalin kara.”

Komishanka mihnadlayaasha caafimaadka ee mudooyinkii ugu danbeeyay guud ahaanba gobalada dalka ka waday diiwaangalinta mihnadlayasha caafimaadka iyo sidii xogna loo gaadhsiin lahaa iyaguna ay komishanku uu xog uga heli lahaa, waxaana ay siminaaradan ku qabteen lixda gobal ee waaweyn ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here