Mulkiilaha Summer Time Oo Ka Qayb Galaya Shir Caalami Ah Oo Uu Madaxweyne Obama Maanta Furayo

0
584

Picture2Hargeysa(Geeska)-Mulkiilaha Hudheelka Summer-Time Restaurant Siciid Sheekh Cumar ayaa khamiistii  Safar ku tagay Magaalo Madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Ganacsadahan da’da yar reer Somaliland Siciid Sheekh Cumar ayaa waxa uu Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga-qeybeli doona Shirka caalamiga ah ee Curiyayaasha aduunka (Global Entrepreneurship Summit (GES) oo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo noqonaya kii lixaad ayaa waxa uu Ganacsade Siciid Sheekh Cumar uu ka mid noqday labada qof ee Mandaqada GEES-ka Afrika uga qeybgalaya,waxaana ka soo qeyb-geli doona  tiro dhan 150 Curiye oo aduunka oo dhan isaga iman doona.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood oo kala 25 ilaa 26 bishan July 2015-ka ayaa waxa fikirkiisa lahaa Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama,kaas oo shirkii ugu horeeyay ka furay Magaalada Qaahira ee waddanka Masar.

Shirkan oo madaxwayne Obama Sabtidan maanta  ka furi-doono Magaalda Nairobi waxa ka qayb galaya Curiyayaasha Aduunka ugu caansan Ganacsato, Dadka wax maalgashada iyo madax farabadan oo dunida ah.

Ganacsadahan da’ada yar ee Siciid Sheekh Cumar ayaa waxa uu nasiib u helay inuu noqdo ganacsadihii u horeeyay ee hela fursad uu kula kulmo Madaxwaynaha waddanka Maraykanka Mr. Barack Obama marka uu maalinta Sabtida ah ee 25 bishan ka qaybgalo shirka caalamiga ah ee curiyayaasha aduunka (Global Entrepreneurship Summit (GES). Ganacsadahan da’ada Yar ee reer Somaliland Siciid Sheekh Cumar ayaa waxay da’diisu tahay 37-jir waxaanu leeyahay Hudheelka loogu jecel-yahay Somaliland ee Summer-Time Restaurant, isaga oo ganacsigiisa ka bilaabay Dukaan yar oo Shaaha iyo Bunka lagu iibiyo sanadii 2003-dii imikana uu korey ganacsigiisu,waxa uu Sameeyey Hoolka Casriya oo lagu qabto Xafladaha oo la yidhaahdo Summertime Green Plaza , Sidoo kale waxa uu curiyay Huteel cusub oo ah hurdo loo sameeyey habka guryo goglan oo isku qoofallan (Apartments), waxa imika socda Huteel Shan Dabaqa oo sanadka 2016-ka la furi doono.