Jacaylka Qarsoodiga Ah Oo Shaqaalaha Ku Keena Musuqmaasuq Iyo China Oo Sharci Ka Soo Saaray

0
621

Picture13Beijing (Geeska)- Wasaaradda shaqaalaha ee dalka China ayaa mar sii horreysay soo saartay qaanuun shaqo oo dhigaya in si toos shaqada looga eryo masuul kasta oo ay caddaato in uu leeyahay xidhiidh jacayl oo qarsoon. Sharcigan waxa uu sii adkaynayaa sharci hore ugu yaallay shaqaalaha dalkaas oo dhigayey in ciqaab edbin ah lagu qaado qofka shaqaale ah ee lagu ogaado in uu si qarsoodi xidhiidh jacayl u leeyahay.

Sababta keentay in sidan loo daba galo xidhiidhka qarsoon ee qofku waxa ay ka dambaysay markii koox aqoonyahan ah oo loo diray in ay baadhitaan ku sameeyaan musuqmaasuqu ay caddeeyeen in 90 Boqolkiiba ragga sanadahan u dambeeyay lagu eedeeyey arrimaha musuqmaasuqa ee dalkaasi ay xidhiidh jacayl la leeyihiin dumar. Taas ayaana markhaati looga dhigtay in xidhiidh jacayl oo qarsoodi ku dhex mara labada jinsi ay keento dhaqan xumo oo ka mid yahay musuqmaasuqu. Cadad hore oo ah Wargeys la yidhaahdo Beijing News oo uu Geeska Afrika soo xigtay ayaa qoray waraaq ka soo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas oo sheegaysa in 16 Masuul oo shantii sano ee u dambeeyey lagu ciqaabay kiisas ah musuqmaasuq ay badankoodu lahaayeen xidhiidho noocaas ah, waxa kale oo jiray in masuuliyiintaas qaarkood ay ku hawlanaayeen Khamaar iyo iibka dhulka.

Arrintani waxa ay muujinaysaa in xidhiidhka dumarka ee qarsoodiga ahi uu ragga ku kaco kharashaad aad u badan, taas oo marka dambe keenaysa suurtogalnimada in ay ku kacaan musuqmaasuq.

Arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay in nin kasta oo xidhiidh qarsoodi ah la leh gabadh uu xidhiidhkaasi ku taagan yahay kharash badan, oo marka uu bixin kari waayana ku kalifta in uu khiyaamo iyo musuqmaasuq kula kaco shaqada uu hayo. Waana taas ta uu ka duulayo sharcigan cusub ee dalka China shaqada kaga eryayo nin kasta oo si qarsoodi ah gabadh ula yeesha xidhiidh jacayl.