Jacaylka Iyo Kalsooniduba Waa Furaha Cimri Dhererka

0
953

Haddii aad jeceshay in aad hesho cimri dherer iyo da'da oo aan kaa xoog badan, waxa aad dadka oo dhan kula macaamishaa kalgacal iyo walaalnimo, waxa aad ka dheeraataa gooni socodnimada oo fure u ah cimri deg-degga, naftaada ku kalsoonow, ka adkaw naftaada oo yaanay iyadu kugu hagin hadba sida ay jeceshay, noqon dadka xakamayn kara cadhadooda iyo jawaab celintoodaba.

Talooyinkani waxa ay ka soo baxeen daraasad cusub oo dhowaan lagu sameeyey dad da' ah balse aan illaa hadda laga dareemin gabaw. Daraasaddan oo ay sameeyeen khubaro ku xeel dheer cilmi nafsiga iyo sayniska ayaa baadhitaan dheer ku samaysay dadka da'da ah balse aan astaamaha gabawgu ku soo deg-degin iyo macaamilkooda, waxaana u soo baxday natiijadan. Waxa xusid mudan in cimri dhererka laga hadlayaa aanu ahayn da'da qofka oo ay sannado dheeraad ahi ku korodho balse waa in aan astaamaha gabawgu ku soo deg-degeyn