Jabuuti ha ka shaqayso aqoonsiga somaliland

11
653

Qaybe-axmedMarkay Xukuumadii Siyaad Barre burburtay Somaliduna waa la burburtay. Somaliya waxay noqotay a failed State ama qaran fashilmay. Jabuuti dhabarka uma soo jeedin ee khayr ilaahay u soo diray ayay u noqotay. Xukuumadii Cabdilaahi Yuusuf ee Nairobi lagu soo dhisay maahee afartii kaleba waxaa loogu soo dhisay Jabuuti. Labadii Cali Mahdi Madaxweynaha ka ahaa, tii Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo ta Shariif ee hadda jirta oo waqtigeedu ku eeg yahay August 2012 waxaa loogu soo dhisay Jabuuti.

Jabuuti weli ma aqoonsan Somaliland oo IGAD ayay kala mowqif tahay. Xataa hadday na aqoonsato macno weyn ma samaynayso, shimbir keliyina Gu' ma saadaaliyso, waxaa taas ka wacan Madaxweyne geelle oo inala shaqeeya.  Saa ooy tahay labada dal waxaa ka dhexeeya aqoonsi dadban waxaanay ku heshiiyeen in xafiisyo la is dhaafsado. Xidhiidhka sokeeye waxaa laga dheegan karaa Porotokol-ka ugu sareeya ee Madaxweyne lagu qaabilo, siduu Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle gegidda diyaaradaha ee Jabuuti ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Siilaanyo, markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo booqasho rasmi ah ku tegay wadanka aynu deriska iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana loo dhigay roog cas, cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuutina uu salaan sharaf ka qaatay. sheeko ayaa jirta odhanaysa  nin baa  saaxiibkii wuxu ku yidhi ma shan geed baan kaa sheega mise shan qaalimood baan ku siiyaa, wuxuu doortay inuu shan geed  ka sheego

Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

Guddoomiyihii golihii hore ee Wakiilada

Comments are closed.