Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadashay Jaamacadda Hargeysa

2
705

hargeisa-universityHargaysa( Geeska )-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa dedefaysay go’aan ay toddobaadkan soo saareen maamulka jaamacadda Hargeysa oo ay ku sheegeen inaanu ka noqosho lahayn go’aan ay ku kordhiyeen lacagtii laga qaadi jiray ardayda jaamacadda.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Md. Khadar Axmed Diiriye, ayaa ardayda jaamacada Hargaysa ugu baaqay inay bixiyaan lacagtii ay  baxin jireen uun, isla markaasana aanay jirin wax kordhin ah wakhtigan xaadirka ah.

Agaasimaha oo shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu  sheegay inay gudidii loo xilsaaray inay soo baadhan baahiyaha jaamacada Hargaysa ay soo gudbiyeen talo baxin ka kooban 21 qodob oo ah waxyaabaha ay jaamacadu u baahantahay, waxaana kamid ah baahiyaas in jaamacada la galiyo marka hore adduun lacageed oo dhan 2 milyan oo dollar, si kor loogu qaado tayada jaamacada.

Agaasime Khadar Axmed wuxuu yidhi  “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego laba qodab oo ku saabsan Jaamacad, qodabka koowaad maamulka jaamacada iyo lacagta ay ardaydu bixiso. Sida aad la wada socotaanba jaamacada Hargaysa waxa uu wasiirku u magacaabay guddi aqoon yahano ah, si ay ugu soo war baxiyaan dhamaan xaalada guud ee jaamacada, nasiib wanaag gudidaas in badan waa ay ku dhex jirtay waanay baadhay, baadhitaankoodiina waa ay soo dhamaysteen oo waa ay keeneen, waxaanay soo gudbiyeen qoraal dheer oo baahida jaamacada ah oo dhinac walba ah.”

Waxa uu agaasimahu sheegay in la go’aamiyay in gudoomiye iyo gudi cusub loo sameeyo jaamacada Hargaysa “Waxa markaas si deg deg ah loo go’aamiyay dhinaca maamulka maadama oo uu gudoomiyahii jaamacadu is casilay lana haysto wakhti bil ah, in la buuxiyo booskaas isla markaasna la baahiyo si ay u soo codsan karto cid kasta oo reer Somaliland ah,waana la baahiyay, waxa kale oo muhiim ah oo iyagana imika dhamaad ku dhaw oo qodabka labaad ee muhiimadu tahay ah marka laga hadlaayo dhanka maamulka in la sameeyo gudidii jaamacada, gudidiina dadkii xulashada ahaa waa la soo saaray, waxaana la doonayaa madaxweynaha iyo wasaarada inay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan. guddoomiyaha ugu horeeya ee la doorto waxa dooranaaya gudidaas jaamacada loo sameeyay, komishanka tacliinta sare, wasaarada waxbarashada si wada jir ah ayaa loo xulayaa masuulkaas. Marka guddida iyo gudoomiyahaba la sameeyo iyaga ayaa ka hadli doona wax allaale iyo waxii jaamacadu u baahntahay. Gudidu runtii waxay soo saartay in ay  jaamacadu baahi weyn u qabto dhaqaale iyo qalaba labadaba, oo horta marka ugu horaysa la gelayo ilaa 2 milyan oo dolar, si tayadeeda kor loogu qaado, markaas runtii baahi waa ay taala.”

Agaasimah guud ee tacliinta sare isaga oo ka hadlaaya kordhinta lacagta jaamacada lagu dhigto oo muran ka abuurtay jaamacada, waxaa uu yidhi “Waxa timi dhankan kordhinta, waxaanu wakhtigan xaadirka ah ardayda faraynaa inay bixiyaan intii ay baxin jireen uun, waliba sida ugu dhaqsaha badan u bixiyaan, waxa timi ma la kordhinayaa, mise lama kordhinaayo, qodabkaasu waa qodab danbe, walina wax go’aan ah lagama gaadhin, waxaanay u taala gudida cusub iyo gudoomiyaha cusub ee ay jaamacadu yeelan doonto. Waxaan leeyahay ardayda waa laydiin maqan yahay jaamacadana isbadal weyn ayaa laga samaynayaa, dhaqaalana waa la galinyaa, idinkuna waad ka qaybqaadan doontaan in aynu tayada jaamacada kor u qaadno. “

Comments are closed.