Dhakhaatiirta Ingiriiska Oo caddaysay Inuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Damqaday Nabarkii Hore Uga Gaadhay Dhabarku

0
646

AbdiraxmaanHospital1Hargeysa(Geeska)-Dhakhaatiirta Ingiriiska ee arkay guddoomiye xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inuu damqday nabar hore dhabarka uga gaadhay wakhti uu magaalada Berbera ku soo dhawaynayay Madaxweyne Siilaanyo oo xilligaas ahaa guddoomiyaha KULMIYE.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in markii ay dhakhaatiirtu sawireen ay cadeeyeen inuu damqday nabarkii dhabarka hore uga gaadhay, islamarkaana uu barar jiro kaas oo sabab u ah xanuun badan oo ka haya dhinaca lugaha, waxaanay sheegeen in loo baahanyahay in sawiro dheeraad ah la saaro si loo hubiyo inuu iyagana dhaawac gaadhay neerfaha dhabarka, waxase ay sheegeen in sawirka neerfaha la qaadi karo marka uu bararku ka dego nabarka damqaday. Laakiin warku wuxuu sheegay inay dhakhaatiirtu ku guulaysteen xalinta xanuun ka hayay dhinaca luqunta.

Sida ay ilahaasi sheegeen waxa ay dhakhaatiirtu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir kula taliyeen inuu jiifo gurigiisa, islamarkaana uu cisbitaalka ku noqdo khamiista Beri si ay baadhis dheeraad ah ugu sameeyaan.  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo qoyskiisa ayaa waxa la filayaa inay ku go’aan qaadan doonaan go’aanka ay dhakhaatiirtu khamiista beri siin doonto.

Dhaawaacan ayaa wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir gaadhay, Axadii toddobaadkii hore markaas oo si jujuub ah looga saaray shirkii golaha dhexe ee KULMIYE, waxaana madasha uu shirku ka socday ka saaray ciidamo Boolis ah. Hase yeeshe falka lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa wuxuu abuuray dareen xasaasi ah, waxaana cambaareeyay qaybaha kala duwan ee bulshada sida madaxdhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahano, haween iyo dadweyne kale oo Madaxweynaha ugu baaqay inuu jawaab ka bixiyo sababta keentay in masuul xil hayay qaabkaas loola dhaqmo. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin qaabka loola macaamilay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.