Jaamacadda Hargeysa Oo Soo Bandhigtay Daraasad Ku Saabsan Kor U Qaadida Cadaaladda Dalka

0
602

 

Hargsaysa( Geeska )- Kulliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa, ayaa soo bandigtay daraasad ku saabsan tayaynta cadaalada iyo waxyaabaha ka dhiman.

Daraasadan oo la waday muddo toddaba-bilood ah waxa xooga lagu saaray sidii wax badan looga ogaan lahaa cadaalada dalka. waxaanay kooxdii samaynaysay la kulantay 120 qof oo waxyabo kala duwan ay waydiiyeen, waxaanay  xuseen inay daraasadan uga gol haayeen sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen garsoorka, oday dhqameedyada iyo boolisku, si loo wanaajiyo cadaalada dalka.

Waxaana xafladan lagu soo bandhigaayay daraasadan ka qaybgalay wasiirka cadaalada, xeer ilaaliyaha guud, hoggaanka kuliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa, gudoomkyha jaamacada Hargaysa xubno ka socday hay’da UNDP iyo martisharaf kale.

Wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, ayaa soo dhaweeyay daraasadan waxaanu ka waramay waxyaabaha ay ka qabteen cadaalada, kadib markii ay soo baxeen daraasado wax badan lagu iftiiminaayo. Wasiir Xuseen Axmed Caydiid waxa uu kooxdan ku dhiiri galiyay inay wadaan samaynta daraasadaha noocan oo kale ah.

Hormuudka kuliyada Sharciga ee jaamacada Hargaysa Maxamuud Xuseen Faarax, oo ugu horayntii ka waramay daraasadan iyo sababaha ay u sameeyaan waxa uu yidhi“ Cilmi baadhista noocan oo kale ah maaha tii ugu horaysay, waxay kamid tahay cilmi baadhisaha ay jaamacadu baadhitaanada ka samayso, maadaama oo aynu u baahanahay in la tayeeyo cadaaladeenii iyo garsoorkeena, waxaana soo raacaya cadaalada, odayaasha dhaqanka oo iyaguna qayb ka haya nabadgalayda, sidii layskugu xidhi lahaa ee laysku waafajin lahaa cadaaladan dhaqanka iyo tan kale iyo labadoodaba sidii loo dhisi lahaa ayay ahayd ujeedada daraasadan.” Maxamuud isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Sidaad ciwaanka ka arag taanba waa xoojinta cadaalada, markaas cadaaladii waxya ka soo bilaabamaysaa, ciidanka booliska, odayaasha dhaqanka ilaa maxakmada sare. Markii la ururinaayay xogta daraasadan laba dhica ayaan u qaybinay bishii 12-aad-2011 ilaa laga soo gaadhayay bisha 1-aad- 2012-ka, wajigaas hore waxa lagu waraystay 120 qof oo la waydiiyay sida ay u arkaan cadaalada.”

Gudoomiyaha jaamacada Hargaysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas, oo isaguna ka hadlay xafladan daraasada lagu soo bandhigaayay ayaa si diiran u soo dhaweeyay daraasadan, waxaanu sheegay in daraasadaha noocan ah ay sameeyaan jaamacadahu.

Wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, ayaa dhankiisa si diiran u soo dhaweeyay daraasadan oo lagu eegayay cadaalada dalaka iyo sidii loo xoojin lahaa, waxaanu isaga oo xafladaas ka hadlaaya u yidhi sidan“ Daraasadan maanta la soo bandhigaayo waxyaabaha ka soo baxaa wax aanu tic galin doono, waan soo dhawaynaynaa,  sidaasay qiimo noogu leedahay, qarankuna waxa uu baahan yahay inay daraasadahu inoo bataan oo dhinacyada ay u jilicsanahay daraasado laga soo sameeyo, waana wadooyinka loo maro horumarka, aadbaan ugu mahadnaqayaa uguna bogaadinayaa daraasadan kuliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa, arinta sidaas loogu baahanyahay ee ay isku hawleen, waxaanan ku dhiiri galinaynaa meel cidla ah ku dhacimaayaane inay noo joogteeyaan.”

Daraasadan ayaa hayd mid xooga saraysay sidii cadaalada dalka loo xoojin lahaa isla markaan loo tayayn-lahaa qaabka wada-shaqayneed ee qaybha ay cadaaladu hoostimaado.