Baligubadle: Dhallinyarada Aqoonyahanka Ah Ee Gobalka Oo Ka Sameeyay Wacyigelin Muhiim Ah

0
480

 

baligaBaligubadle(Geeska)-Dhallinyarada aqoonyahanka ah ee gobalka Hawd oo isugu jira kuwo qurbe joog ah iyo kuwo dalka jooga, ayaa olole dhiirigelinta waxbarashada ah ku qabtay magaalada Baligubadle ee gobalka Hawd.

 

Ololahaas ay iska kaashadeen dhallinyarada gobalkaasi oo lagu qabtay toddobaadkan magaalada Baligubadle, ayaa ka koobnaa saddex qaybood oo ay ugu tallo galeen wacyigelinta, waxaanay kala ahaayeen ilaalinta deegaanka iyagoo qaybiyay dhir gaadhaysa ilaa kontomeeye geed oo lagu beeri doono gudaha magaalada iyo waddooyinka soo gala,  waxbarashada oo ay iyana qaybiyeen buugaag ay ugu tallo galeen inay ka faa’iidaystaan ardayda aan awoodin inay iibsadaan buugaagta waxbarashada. Waxa kale oo ay qabteen kulan sidoo kale lagu dhiirigelinayay ciyaaraha iyagoo dhallinyarada kaga waaniyay balwadaha oo ah dhibaato aafaysay dhallinyarada dalka intooda badan.

Dhallinyaradan aqoonyahanka ah ee is kaashaday waxa kale oo ay qabteen ciyaar ay dhallinyarada gobalku ugu tartamayeen koob loo dhigay, waxaana ciyaaray afar kooxood oo ay laba ahaayeen heerka koowaad, halka ay labada kalena ahaayeen heerka labaad, waxaana ciyaartaas qaybtii heerka labaad ku guulaysatay koox ku ciyaaraysay magaca hoteelka Al-Xayaat, halka ay kooxihii heerka koowaadna guushu raacday naadi ku ciyaarayay dawladda Hoose ee magaalo madaxda gobalka Hawd ee Baligubadle oo huwanaa magaca waayo arag.

Barnaamijyadan wacyigelineed oo ay dhallinyarada gobalku si weyn u soo dhawaysay waxa goob joog ka ahaa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed iyo badhasaabka gobalka Gabiley Jamaal Xuseen Hurre, oo hadalo ay halkaas ka jeediyeen dhallinyarada is xilqaantay uga mahadceliyay dedaalka ay sameeyeen. Waxa ay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee hawlgalka fulisay u mahadcelisay dhallinyaro ku bahowday urur dhallinyaro oo lagu magacaabo HYDO oo ah urur ka dhisan magaalada Baligubadle oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta, kuwaas oo dhalinyarada wacyigelinta samaysay ka taageeray hawshooda mutadawacnimada ah.

Waa markii u horaysay ee barnaamijyo wacyigelineed oo noocan ah laga fuliyo magaalada Baligubadle ee gobalka Hawd.