Xaqsoor Oo Berbera Iyo Sheekh 20 Murashax Ku Soo Bandhigay

1
547

 

IMG_0143Hargeysa(Geeska)-Urur  siyaasadeedka Xaqsoor ayaa labada degmo ee Berbera iyo Sheekh mar kaliya ku soo bandhigay 20 Murashaxa oo ka tirsan xilidhibaanada ururka uga qayb galayaa doorashada golaha deegaanka ee fooda inagu soo haysa.

 

 Shaacinta xildhibaanada waxaa reer Berbera iyo Sheekh kala qayb galay gudoomiye ku xigeenka urruka Xaqsoor Md Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule), waxaana gudoomiye ku xigeenka iyo waftigiisa labadaas magaalo si diiran ugu soo dhaweeyey taageerayaasha ururka Xaqsoor.

 Hotel Maansoor ee magaalada Berbera ayey ugu horayn ururku ku soo bandhigeen sagaal murashax oo ka tirsan hormada koowaad ee Berbera, waxaana halkaasi hadalo duur xul ah ka jeediyey Cali Sandule oo kor iyo hoosba ula hadlay guud ahaan umada reer Somaliland .

 Gudoomiye ku xigeenka ayaa ugu horayn waxa uu ilaahay uga baryey inuu xilka u fududeeyo murashaxiinta isku soo taagay doorashada golaha deegaanka ee degmada Berbera, waxaanu sheegay inuu ku kalsoon yahay inay magaalada Berbera wax badan ka badali doonaa, isaga oo sheegay in maamulka gobolku ku amaanan yahay waxqabadka muuqda ee laga hir galiyey Berbera. “ Murashaxiinta waxaan ilaahay uga baryayaa inuu ku guuleeyo xilalka ay soo doonteen, waxaanan leeyahay ilaahay haydinku asturo. Run ahaantii bini aadamu wuxuu kala leeyahay noocyo badan oo waad ogtihiin oo iidoorka waxaanu kula kaftanaa way fudud yihiin oo markiiba waxbay burburiyaan, qoladayda Daaroodna mucaaradnimada ma naqaano, haday dawladu xuntahay iyo haday wanaagsantahayba waxaanu nidhaahnaa way wanaagsantahay. Sidaas daraadeed kursiga aad baadi goobayso cay laguma baadi goobo ee wanaaga ayaa lagu raadiyaa, dhamaan masuuliyiinta aanu halkan ugu nimi ee aan na odhan halkeed u socotaan, runtii waanu ugu mahad naqaynaa”, waxaanu raaciyay “Ceeb maaha oo waa la kala ridanayaa cododka, anana waxaanu isku dayi doonaa in aanu halka aad wax dhigtaan sii laba jibaarno, dimuquraadiyada hoos u daadajino, gobolada kala lunsan aanu is gaadhsiino, nabada hada la bilaabay oo aanu anagu bilawgeedii lahayn sii xoojino kana shaqayno, markastana dawlada ku dhiirno nabadii buuhoodle. Ururkaygu kama seexan doono ka shaqaynta nabada bariga iyo galbeedkaba ilaahay inaguma keenee”

 Koob iyo labaatan sano ayey dawladani dhisnay, shan iyo toban sanadood madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen idinkaa ahaa, waxaan leeyahay idin maanu lahayn maxaad intaas u qaadateen ee waanu idiinku guraynay, sidaas awgeed reer Booramow maanta waan idin eegayaa inaad i siisaan codka iyo in kale”

 Geesta kale gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor Cali Sandule waxa uu ilaahay uga baryey inuu jana fardawsa ka waraabiyey marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 Dhanka kale Wuxuu Cali Sandule fariin u diray dadka degga deegaanka uu ka soo jeedo, waxaanu yidhi “qola kalana fariin ayaan u dirayaa oo reer tolkay ah, waxaan leeyahay marka koowaad nabada qaata, Somaliland kala go’imaysaan oo isku deegaan ayaad tihiin oo isku dhul ayaad tihiin, waxaa lagu kala horaynayaa horumarka ee walaalaynteena iyo wanaaga aynu ka shaqayno”

 Ugu danbayntii ururka Xaqsoor ayaa 11 murashax ku bandhigay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, waxaana halkaasi lagu qabtay munaasibad ay il yartu is qabtay oo lagu soo dhaweeyey gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor Md Cali Sandule

Comments are closed.